Degmooyin ka tirsan Puntland oo lagu wareejiyay Aduun dhan$3,308,392.92 Milyan
November 4, 2021 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta Shir guddoomiyey Shirka isku xirka baahinta maaliyada kaas oo xafiiska hormuudka maamul baahinta Puntland iyo wasaaradda maaliyadda Dowladda Puntland ku wareejiyeen degmooyinka uu ka socdo mashruuca horumarinta degmooyinka lacag dhan $3,308,392.92 taas oo loogu talagalay laba mashruuc oo kala ah Sanduuqa maxaliga ah ee (LDF) oo loo qoondeeyey lacag dhan $ 2,440,892.92 halka horumarinta adeega bulshada ( SDM) loo qoondeeyey lacag dhan $867,500.00.Kulanka ka dib waxaa Warbaahinta la hadlay Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda ahna sii hayaha xilka Wasiirka Mudane Cumar Xasan Fiqi.
—–Dhamaad—-