Faahfaahin Qarax ay dhowr qof ku dhinteen oo ka dhacay Muqdisho
November 11, 2021 - Written by EditorMuqdisho:- Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in uu qarax ka dhacay galabta isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho,waxaana ugu yaraan ku dhintay qaraxaas saddex qof halka dhowr kalena ay ku dhaawacmeen.
Qaraxa ayaa ahaa miino dhulka la galiyey waxaana lala beegsaday kolonyo baabuur ah oo ay wateen ciidamada AMISOM oo halkaasi marayay .
Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo lala eegtay kolonyada AMISOM isgoyska Banaadir gaar ahaan meel ku dhow xarunta Villa Baydhabo.
Qaraxan ayaa ku soo aaday xili maanta taliyayaasha amniga gobalka banaadir iyo Ra’iisul Wasaaraha DFS Maxamed Xuseen Rooble ay safar dhulka ah ku tageen degmada Balcad .
A/Cawale
Halgan.net