Golaha Midowga Musharaxiinta oo qaadacay Doorashada dalka ka socota.

November 30, 2021 - Written by Editor

Muqdisho:-Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa war-saxaafadeed ka soo saaray shirar maalmaha uga socday magaalada Muqdisho waxaana ay warsaxaafadeedkooda ku sheegeen in aysan raali ka ahayn qeybna ka ahayn geeddi socodka doorashooyinka ka socda dalka.

Warsaxaafadeedka ayaa waxaa lagu xusay in doorasha socota ay tahay boob qaawan dalkana u horseedi karta qalalaase siyaasadeed, xasillooni darro .

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa waxaa ay sidoo kale sheegeen in mas’uuliyadda wixii ka dhasha boobka doorashada ay qaadi doonaan madaxda DFS iyo Maamulka dowlad goboleedyada.


Hoos ka Akhriso Warmurtiyeedka ay soo saareen Golaha Midowga Musharaxiinta

A/Cawale
Halgan.net

Comments are closed.