Guddiga maamulka Doorashada kuraasta Gobolada waqooyi ee S/land oo bilaabay doorashada Xildhibaanada Golaha shacabka

November 23, 2021 - Written by Editor

Muqdisho:-Guddiga maamulka Doorashada kuraasta Gobolada waqooyi Somaliland (SEIT) ayaa saaka ka bilaabay Xarunta Tababarka Booliska Jen. Kaahiye, Doorashada kursiga Gollaha Shacabka ee tirsigiisu yahay HOP#225 oo ay ku tartamayaan musharixiinta kala ah Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo Mudane Cabdiraxmaan Warsame Siciid.

Kursiga tirsigiisu yahay HOP#225 ayaa waxaa ku guulaystay Maxamed Cabdi Xayir Maareeyey waxaan uu helay 96 cod halka Cabdiraxmaan warsame Siciid uu helay 2 cod.

Dhinac kale Kursiga tirsigiisu yahay HOP#202 ayaa waxaa sidoo kale ku tartamay musharixiinta kala ah
1. Musharax xildhibaan Aamina Cumar Jaamac
2. Musharax xildhibaan Aamina Cismaan Diiriye
Musharax xildhibaan Aamina Cismaan Diiriye ayaa ka tanaasushay tartanka, waxana cod gacan taaga kalsoonida loogu qaaday musharax xildhibaan Aamina Cumar Jaamac oo dhamaan ergadii u codeeyeen. Sidaa daraadeed natiijada Hordhaca ah waxa kusoo baxday Xildhibaan Aamina Cumar Jaamac.

Guddiga maamulka Doorashada kuraasta Gobolada waqooyi Somaliland (SEIT) ayaa sheegay in lagu tartami doono ilaa 5 kursi waxaan doorashadu ka socotaa xarunta Tababarka Booliska Jen. Kaahiye ee magaalada Muqdisho.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2021
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online