Gudoomiyihii hore ee Barlamaanka JFS Prof.Jawaari oo sheegay in lagu Takrifalay Doorashada Kursigiisa.[Video]
November 25, 2021 - Written by EditorMuqdisho:-Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka dowladda Federaalka Soomaaliya Prof.Maxamed Cismaan Jawaari oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhabo ayaa sheegay in lagu Takrifalay Doorashada Kursigiisa,Isagoona sheegay in uu ka walaacsan yahay in Dowladnimad ay faraha ka baxdo.
Gudoomiyihii hore ee Barlamaanka JFS Prof.Jawaari ayaa si kulul ugu hadlay boobka Doorashada iyo dhibaatada ka dhalan karta fara-gelinta Kursigiisa.
Dhinac kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maalin ka hor la guddoonsiiyay shahaadada musharaxnimo ee Xildhibaanada Golaha Shacabka.
Guddiga doorashada Koofur Galbeed ayaa guddoomiyaha guddoonsiiyay shahaadada ka dib markii uu buuxiyay dhamaan shuruudihii musharaxnimo ee looga baahnaa. Guddoomiye Maxamed Mursal ayaa mar kale u tartamaya kursiga sumadiisu tahay HOP182 ee Golaha Shacabka.
A/cawaale
Halgan.net