Gudoomiyihii hore ee Barlamaanka JFS Prof.Jawaari oo sheegay in lagu Takrifalay Doorashada Kursigiisa.[Video]

November 25, 2021 - Written by Editor

Muqdisho:-Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka dowladda Federaalka Soomaaliya Prof.Maxamed Cismaan Jawaari oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhabo ayaa sheegay in lagu Takrifalay Doorashada Kursigiisa,Isagoona sheegay in uu ka walaacsan yahay in Dowladnimad ay faraha ka baxdo.

Gudoomiyihii hore ee Barlamaanka JFS Prof.Jawaari ayaa si kulul ugu hadlay boobka Doorashada iyo dhibaatada ka dhalan karta fara-gelinta Kursigiisa.
Dhinac kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maalin ka hor la guddoonsiiyay shahaadada musharaxnimo ee Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Guddiga doorashada Koofur Galbeed ayaa guddoomiyaha guddoonsiiyay shahaadada ka dib markii uu buuxiyay dhamaan shuruudihii musharaxnimo ee looga baahnaa. Guddoomiye Maxamed Mursal ayaa mar kale u tartamaya kursiga sumadiisu tahay HOP182 ee Golaha Shacabka.

A/cawaale
Halgan.net

Comments are closed.

Archives
November 2021
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online