Madaxweynaha Dowladda Puntland oo shir gudoomiyey kulanka amniga gudaha Puntland.[Masawiro]
November 10, 2021 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Shir-guddoomiyay Kulanka Amniga Gudaha ee Puntland, oo looga hadlay warbixinta Amniga iyo dardargelinta qorshaha lagu horumarinayo amniga gudaha .
Shirka waxaa ka qeybgalay, Wasiirada Wasaaradaha Amniga iyo Arrimaha Gudaha, Taliska Ciidamada Booliska Puntland oo ay weheliyaan Taliyeyaasha qeybta booliska ee Gobollada Puntland, Hoggaanka dambi baarista ee Ciidanka Booliska, qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha Gobollada Iyo Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Puntland.
no images were found
Halgan.net