Madaxweynaha JFS iyo amiirka Dowladda Qatar oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal.[Masawiro]

November 30, 2021 - Written by Editor

Qatar:-Madaxweyne Farmaajo oo safar ku jooga dalka Qatar ayaa maanta wada hadal la yeeshay Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani. – Sida lagu sheegey warkan ka soo baxay Villa Somalia.

Madaxweyne Farmaajo iyo Amiir Sheekh Tamim ayaa kulankooda isla soo qaaday arrimo dhowr ah oo ku saabsan xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Qatar iyo danaha ay wadaagaan si loo dardar galiyo iskaashi wax ku ool ah oo labada dhinacba faa’ido u leh.

Madaxweynaha oo uga mahad-celiyey Amiirka Qatar fulinta Mashaariicda dhismaha jidadka isku xira, Muqdisho, Afgooye, Balcad iyo Jawhar, dhismaha Xarumo muhiim u ah Dowladda iyo baahinta adeegyada aas-aasiga ah ayaa tilmaamay dadaalka ay ku bixinayaan shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha oo muhiim u ah dib u soo kabashada dalka iyo horumarkiisa.

Dhankiisa, Amiirka Qatar Tamiim Binu Xamad ayaa ku bogaadiyey Dowladda iyo Shacabka Soomaaliya wadashaqaynta dhow ee ay leeyihiin, midnimada iyo wadajirka ay ugu taagan yihiin dib u kabashada dalka, isaga oo muujiyey dareen walaalnimo oo ku aaddan horumarka dalka iyo guulaha muuqda ee aynu xaqiijinnay sanadihii la soo dhaafay.

Kulankan waxaa Madaxweynaha ku weheliyey Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay kamid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Cabdisaciid Muuse Cali iyo Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Xamsa Siciid Xamsa iyo Danjireheenna dalkan Qadar Mudane Cabdirisaaq Faarax Cali Taano.

no images were found

DHAMMAAD

Leave a comment

*

Archives
November 2021
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online