Madaxweynaha Puntland oo magacaabay agaasimaha Hay’adda PSF ee ciidanka Dowladda Puntland.
November 24, 2021 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 44 ee November 24, 2021 kuna Saabsan Magacaabid Agaasime Hay’adda PSF ee Ciidanka Dowladda Puntland.
Madaxweynaha Dowladda Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.
Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo aragntinimadiisa Ciidanimo
Wuxuu xeeriyey:
1. Waxaa S/guuto Maxamed Amiin Cabddulahi Xaaji Khayr loo magacaabay Agaasimaha Hay’adda PSF ee Ciidanka Dowladda Puntland.
2. Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.
DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND