Ra’iisul Wasaaraha XFS iyo Midowga Musharaxiinta oo kulmay.[Video/Masawiro]

November 28, 2021 - Written by Editor

Muqdisho:-Kulan ay maanta isugu yimaadeen Ra’iisul Wasaaraha XFS iyo Xubnaha Midowga Musharaxiinta ayaa wax ay uga wada hadleen arimaha doorashooyinka dalka. Midowga Musharaxiinta ayaa walaac weyn ka muujiyay daahfurnaan la’aanta ka jirta doorashooyinka dalka ka soconaya iyo sida aaney raali uga noqon karin habka ay iminka wax u socdaan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Madaxda Musharaxiinta uga warbixiyay dadaalkiisa joogtada ah ee la xariira xaqiijinta hufnaanta doorashada waxa uuna la wadaagay inuu faray Guddiyada doorashada in ay waajiboodkooda u gutaan si waafaqsan habraacyadii lagu hishiiyay ee doorashooyinka.

Ra’iisul Wasaaraha isaga oo tixgalinaya tabashooyinka la xiriira daahfurnaanta doorashooyinka ee ay muujiyeen Midowga Musharaxiinta ,dareenka shacabka Soomaaliyeed iyo Bulshada Caalamka ayaa waxa uu ballan qaaday in Gollaha Wadatashiga Qaranka uu yeelan doono kulan ku saabsan sidii si wadajir ah looga shaqeyn lahaa in doorashooyinka dalku ay u dhacaan si hufan loona saxi lahaa qaladaadka jira.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Guddiyada Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed iyo heer Federaal uu u qabanayo sidoo kale shir foogaan arag ah kaas oo lagaga hadlaayo daahfurnaata doorashada isaga oo caddeeyay in lala xisabtamaayo cid kasta oo ku xadgudubta hufnaanta doorashada.

Halgan.net

Comments are closed.

Archives
November 2021
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online