Ra’iisul Wasaaraha XFS oo cambaareeyey Qaraxii saaka ka dhacay Muqdisho.
November 25, 2021 - Written by EditorMuqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble oo cambaareeyey Qaraxii saaka ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya. Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble “Waan cambaareynayaa weerarkii ay argagixisada Alshabaab saaka ka geysteen Muqdisho oo dhimasho iyo dhaawac ka soo gaareen dad rayid ah oo ay ku jiraan arday.
Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa yiri ”Waa fal bahalnimo oo caddeyn u ah sida kooxdan qalloocani ugu sii talax tagtay daadinta dhiigga birimageydada si aan kala sooc lahayn”.
Intii dhimatay Allaha u naxariisto, dhaawacyada Allaha u boogo dhayo, eheladoodana samir iyo iimaan Eebbe ha ugu deeqo.”
Halgan.net