Guddoomiyaha Aqalka sare “Ma jiro Kulan wadajir ah oo Madaxweyne Farmaajo ka soo codsadey Aqalka Sare”
February 5, 2021 - Written by EditorMuqdisho:-Guddomiyaha Aqalka Sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa waxaa uu caawa ku wargeliyey Xildhibaanada ka tirsan Aqalka sare ee Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya in aysan jir wax kulan ah oo Gudoonka Aqalka sare uu kula kulmi doono Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalinta Beri ah la filayo in uu kulan la yeesho labada Aqal ee dowladda Federaalka Soomaaliya.
Guddomiyaha Aqalka Sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa u diray fariin Dhammaan Senatarada Golaha Aqalka Sare ee BFS waxaana uu ku wargeliyey in uusan jirin kulan wadajir ah oo Madaxweynuhu kasoo codsadey Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare si waafaqsan Qod.57aad (c) ee Dastuurka KMG ah iyo Qod.59 aad (4) ee Xeerhoosaadka Golaha.
Sidaas darteed, ayaa Guddomiyaha Aqalka Sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi uu xusay in uusan jirin kulan wadajir ah oo ay xubnaha Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya u ballansan yihiin birito oo taariikhdu tahay 06 Febraayo 2021.
A/cawaale
Halgan.net