Jubbaland oo ka tacsiyeysay geerida Suldaan Maxamed Suldaan Cabdulqaadir
February 13, 2021 - Written by EditorKismaayo:-Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa ka tacsiyeysay geerida Suldaan Maxamed Suldaan Cabdulqaadir Suldaan Cabdullaahi oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa. Wasiirka Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Tignoolajiyadda Jubbaland Eng. Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Allaah ha u naxariistee Suldaan Maxamed Suldaan Cabdulqaadir Suldaan Cabdullaahi.
إنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون
كل نفس ذائقة الموت
“Aniga oo ku hadlaaya afka Dowlad goboleedka Jubbaland, sidoo kalena wakiil ka ah guud ahaan qaybaha kala duwan ee Jubbaland waxaan ka tacsiyeynayaa geeridaas xanuunka badan, qoysaska, ehelada, qaraabada, asxaabta, waxgaradka, waayeelka, bahda dhaqanka Somaliland iyo guud ahaan bulshada Somaliland ee uu ka baxay Suldaan Maxamed Suldaan Cabdulqaadir Suldaan Cabdullaahi oo inta aan ka ogahay ahaa nin nabadeed iyo shiqsi samatalis ah kana soo jeedey mid ka mid ah sandaladaha ugu Facaweyn geyiga Soomaalida”
“Marxuumka Waxaan Allaah uga baryayaa in uu su’aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo”
إنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون
Wasiir ka Wasaaradda Warfaafinta Dowlad Goboleed ka Jubbaland
Eng Cabdi Xuseen Maxamed.