Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo xiriirka Caalamiga Puntland iyo dib-udhiska Wadada Jalam-Xarfo.[Masawiro]
February 24, 2021 - Written by EditorGaroowe:-Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo xiriirka Caalamiga ah ee Dawladda Puntland waxay la wadaagaysaa dadweynaha reer Puntland iyo kuwa Soomaaliyeedba inay Dowladda Puntland soo bilowday dedaaladda dib-udhiska Wadada Jalam-Xarfo, horraantii Sanadka 2019, ugu dambayntiina lagu guulaystay, iyadoo ay soo martay marxalado kala duwan.
Waxaa la dhamaystiray qiimayntii qaab-dhismeedka wadada ( Construction design works) kadib 4 sahan oo isdaba joog ahaa oo la qabtay, iyadoo ay hadda socoto howsha qandaraas bixintu. Haba yaraatee ma jirin gacan ay ka gaystay Wasaaradda Qorshaynta Federaalka ah ee Soomaaliya qabsoomidda shaqooyinkaas.
Sheegashadooda been abuurka ahna waa mid lala yaabo!! Waxaan uga digaynaa Wasaaradda Qorshaynta Federaalka Soomaaliya inaysan hagardaamo u gaysan dhamaystirka Howsha wadada.
Wasiirka Wasaaradda qorshaynta horumarinta dhaqaalaha iyo xiriirka caalamiga ah ee dawladda Puntland Cabdiqafaar Cilmi Xaange, ayaa qoraalkan la wadaagay bulshada Puntland iyo kuwa soomaaliyeedba.
no images were found
Halgan.net