Madaxweynaha Galmudug oo shir guddoomiyay kulanka Golaha Wasiirada
November 4, 2021 - Written by EditorMadaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa shir gudoomiyay shirka golaha wasiirada DGM oo maanta ka dhacay aqalka Madaxtooyada Galmudug.
Shirka Golaha Wasiirada ayaa maanta looga hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen xaalada guud ee amniga, sharciga Dhismaha Degmooyinka iyo Gobalada Galmudug, iyo arrimaha doorashooyinka.
Golaha ayaa warbixin ka dhageystay wasaaradaha Amniga gudaha, Arrimaha Gudaha, Dib u heshiisiinta & Federaalka iyo Maaliyadda.
Golaha ayaa gorfeeyay soo jeedinta shuruucda iyo warbixinada ay bixiyeen wasaaraduhu, ayadoona wasaaradda Arrimaha Gudaha ay dib u eegis ku sameyn doonto soo jeedintooda.
……. Dhamaad…….