Ra’iisul Wasaaraha DFS oo tacsi u diray Ehelada Marxuum C/risaaq Xaaji Xuseen

February 1, 2014 - Written by Editor

Cabdiweli-ShRa’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya mudane C/weli Sheek Axmed Maxamed ayaa ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyey geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Allaha u naxariistee C/risaaq Xaaji Xuseen oo ku geeriyooday dalka Maraykanka.

Isagoo ku hadlaya Magaciisa, kan Xuumadda iyo kan shacabka Soomaaliyeed ayuu Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed tacsi u diray qoyskii uu ka geeriyooday Ra’iisul wasaarihii hore iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed, waxana uu ugu duceeyey in Illaah janadii Fardowso ka waraabiyo. Ra’iisul Wasaare C/weli ayaa qabanqaabada aaska qaran ee loo samaynayo C/risaaq Xaaji Xuseen u magcaabay guddi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare-ku-xigeenka ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta mudane Ridwaan Xirsi Maxamed.

“ Innaa lilaahi wa innaa ileyhi raajicuun, maanta ummadda Soomaaliya waxaa ka tegay mid ka mid ah geesiyaashiisii iyo halgamayaashiisii naftooda u hibeeyey u adeegidda qarankan, quluubteennu waxa ay la jiraan isaga iyo qoyskiisa. Waxaan uga tacsiyeynayaa geeridan naxdinta leh dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo qoyskii uu ka geeriyooday Marxuum C/risaaq Xaaji Xuseen” Sidaasi ayuu yiri Ra’iisul Wasaare C/weli Sheekh Axmed.

Ra’iisul Wasaare C/weli Sheekh Axmed isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu raaciyey “ C/risaaq Xaaji Xuseen waxa uu ahaa halgamaa iyo waddani u soo dagaalamay xorriyadda, waxa uu ka mid ahaa dhalinyaradii SYL ee xorriyadda , waxa uu xilal kala duwan iyo shaqooyin u soo qabtay qarankan weyn ee Soomaaliya waxana ugu muhiimsanaa xilka Ra’iisul Wasaaraha. markii uu soo baxay warka geeridiisu, waxaannu ka hawlgalnay sidii aan u gudan lahayd waajibaadka qaran ee naga saran, waxana aan u xilsaaray guddi qabanqaabinaya aas qaran”

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Allaha u naxariistee C/risaaq Xaaji Xuseen waxa uu madaxa xukuumadda ahaa sannadihii 1964-tii ilaa 1967-dii, isagoo soo noqday xorriyad-u-dagaalame, shaqaale dowladeed iyo siyaasi ruug-caddaa ah oo ku sifoobay wadani-jacayl iyo ku dhagganaanta midnimada Soomaaliya. Maanta wuu innaga tegay laakiin dhaxalkiisa waaraya ayaa innoo haraya.

DHAMAAD

Leave a comment

*

Archives
February 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
2425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online