Nadwadii ka socotay magaalada Ceerigaabo oo gashay habeenkii 6 aad(Masawiro)
February 1, 2014 - Written by EditorCeerigaabo:-Nadwo cilmiyeedii maalmihii ugu danbeyey ka socoyay masjid jaamica ku yaal badhtamaha magaalada Ceerigaabo ee gobalka Sanaag ayaa waxay gashay habeen 6 aad Nadwada ciwaan keedu ahaa منهج أهل السنة في الدعوة الى الله ayaa waxa ka qayb galay culimo aad u fara badan kana kala socday meelo kala duwan.
Sheikh Cismaan cali xusayn (sh cismaan laangadhe ) oo ka mid ah culimada ugu caansan Soomaalida dhexdeed aad loogu xasuusto tafsiirka qur,aanka kariimka ah ayaa xalay oo sabti waxa uu ka hadlay mowduuc aad u muhiim ah , mawduucan oo ciwaan
(تعريف أهل السنة والجماعة والحاجة إلى منهجهم)
Sheekha ayaa waxa uu aad uga waramay ahlu sunna waljamaaca iyo , calaamadaha lagu yaqaan iyo sifaadka ay caanka ku yihiin.
Sheekha ayaa waxa uu kawaramay in aan ahlu sunuhu cid gaar ah aanay u xidhnay cidkasta oo sifooyin kooda laga helana ay yihiin ahlu sunna meel kasta iyo goor kasta oo ay joogaan
no images were found
.Sidoo kale waxa uu sheekhu ka hadlay in aanay haboonayn in dadka laga saaro ahlu sunnaha ama salafka iyada oo aan wax daliil ah loo haysan.
Guntii iyo gunaanadkii nadwada ayaa waxa lagu soo khatimay su,aalo diini ah oo la waydiiyey culumada waxaana weydiiyey dad waynaha soo xaadiray.
Dadwaynaha ku dhaqan magaalada Ceerigaabo oo soo buuxdhaafshay masaajidka iyo nawaaxigeeda ayaa si fiican uga faa,iidaystay wacyigalinta culimadu ka wadaan magaalada ceerigaabo
Musasat Al-Karam
Halgan.net.