Sheikh C/naasir Xaaji Axmed oo Muxaadaro Labaad ka jeediyey magaalada Ceerigaabo(Masawiro)
February 1, 2014 - Written by EditorCeerigaabo:-Sheikh C/naasir Xaaji Axmed oo ka tirsan wafdiga culimada ee ku sugan magaalada ceerigaabo ee gobolka Sanaag ayaa muxaadaradii labaad ka jeediyey Degmada Ceerigaabo Ciwaanka muxaadarada ayaa ahaa timaamaha adoomaha raxmaanka(صفات عباد الرحمن)
Boqolaal ka tirsan dad waynaha ku dhaqan magaalada oo soo buux dhaafshay fagaaraha ku yaal badhtamaha magaalada Ceerigaabo ayaa ka faa,iidaysatay maxaadarada.Sheekha ayaa aad u faahfaahiyey sifaadka laga rabo adoonka wanaagsan
Sheekha iyo wafdiga culimada ah ayaa in muddo ah waxay safar dacwadeed oo kala duwan waxay ku marayeen meelo ka tirsan gobolada Bari ee soomaaliland.
Culimada hadda ku sugan magaalada Ceerigaabo ee xarunta g/sanaag ayaa waxay ka wadaan wacyigalin ay u jeedinayaan dhamaan mujatamaca qaybihiisa kala duwan sida : ganacsatada , dad waynaha, ciidamada , ardayda jaamacadaha,macaliminta iyo ardayda madaarista qur,aanka
no images were found
Safarkan oo ay ka qayb qaadanaayaan in ka badan 15 sheekh ayaa waxa soo abaabulay mu,asasada al-karam ee dacwada iyo horumarka .
Mu,asasada Al-karam
Ceerigaabo