Culumada socdaalka dacwo ku jooga Ceerigaabo oo la kulmay Ganacsatada(Masawiro)

February 1, 2014 - Written by Editor

DSC01021Ceerigaabo:-Qaar ka mid ah ganacsatada  magaalada Ceerigaabo  ayaa  kulan qado ah waxaa ay la qaateen culimada safarka dacwadeed ku jooga magaalada Ceerigaabo ee  xarunta gobalka Sanaag. Munaasabada ayaa waxaa ay ka dhacday Hotelka Golis. Munaasabada qada sharafta ah ayaa looga dan lahaa  sidii ay culimadu wacyigalin u siin lahaayeen gancsatada  magaalada. Sh.C/Naasir Xaaji Axmed ayaa kula dar daarmay dhamaan ganacsatada in ay Alle uga mahad celiyaan nimcada uu siiyey  ee  maalka ah oo  aan  la  siin  dad  fara badan.

Sidoo  kale  Sh.Maxamed  Cumar Dirir  ayaa  isna  waxa  uu  u soo  jeediyey  ganacsatada  talooyin wax  ku ool ah isaga oo  u dardaarmay  in  ay  ka  qayb qaataan hormarka  bulshada  maalkoodana  ku  bixiyaan  arimaha  khayriga  ah  iyo  owqaafta  taas  oo  u  soconaysa aduun  iyo  aakhirab  ajar iyo xasanaadna  ay ka helayaan.

no images were found

Dhinaca  kale  ganacsatada  ayaa  uga  mahad naqday  culimada  safarka ay  ku  yimaadeen  gobolka sanaag oo ay baraarujin  iyo  wacyigalin  aad  u baalaadhan   gaadhsiiyey  bulshada  ku dhaqan  gobolka, sida  oo kale  waxa  ay ganacsatadu  culimada  ka  dalbadeen  in  ay  6 biloodba  mar  ay  soo  gaadhaan  gobolka  maadaama  uu  aad  uga durugsanyahay  magaalooyinka  waawayn.

Culimada  ayaa  sidoo  kale  saaka  waxay  booqdeen  saldhiga  qaybta  ee  magaalada  Ceerigaabo waxaana ka mid ah culumada booqatay Sheikh Cawil  Faatax  Shire ,Dr  Xasan Sheikh  Cali  Warsame ,Sh cabdi  Qani ow Saalax ,Naasir  cali  Barkhad  oo  dhaamaantood  ka  mid  ah  ducaada safarka  gobolka  sanaag  waxyna  wacyi   galin  iyo  towjiihaad  kala  duwan  siiyey ciidanka  booliska taliyayaashooda oo  sifiican  oo nidaaamsan  u  dhagaystay  waanooda  ayaa  balan qaaday in ay fulinayaan  waanada  ay  culimadu  siiyeen, waxanay  codsadeen  in  lagu  soo  noqnoqdo.

Musast Al-Karam
Ceerigaabo
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
2425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online