Macalinkaygii Siyaasada Hon. Abdirisaaq Xaaji Xuseen illaahay ha u naxariisto أنالله وانا اليه راجعون

February 1, 2014 - Written by Editor

Hassan Mohamed JamaIlaahay wuxuu ceshto isagaa Iska leh, wuxuu bixiyana isagaa Iska leh, wax kastana agtiisa waxay ku leeyihiin waqti go’an, sabra oo ajar xisaabsada. Waxaan ka tacsiyeynayaa geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Ra’iisalwasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Abdirisaaq Xaaji Xuseen, waxaan illaahay uga baryayaa inuu u danbi dhaafo una naxariisto, Waxaan uga tacsiyeynayaa dhamaan ummada Soomaali yeed, gaar ahaana ehelkii iyo qaraabadii uu katagay Mudane Abdirisaaq Xaaji Xuseen dhamaantood meelay joogaanba, Khaasatan xaaskiisa Khadiija Bulxan Warsame, caruurtiisa iyo dhamaan qoyska reer catoosh, iyo waliba gaar Adeer Cabdiqafaar Xaaji Xuseen, illaahayna waxaan u waydiinayaa inuu u fududeeyo arintaas culus ee ku dhacday.

Macalinkaygii Siyaasada:-

Adeer Abdirisaaq wuxuu ahaa macalinkaygii siyaasada, waxaan mudo dheer maqli jiray magaciisa waxaana aad iisoo jiidan jiray doodahiisa iyo taxliilkiisa siyaasada dalka Soomaalida ku saabsan, dhammaadkii 1999 ayaa illaahay qadaray inaan soo dago magaaladii uu deganaa, (Minneapolis) Mudo yar kadiba waan is baranay waxaana danayn jiray inaan ka faa’idaysto khibradiisa siyaasadeed ee ku dhisan indheer garadnimada iyo geesinimo aan arinta markaas uu saxa/xaqa u arkayo uusan cidna kala gaban, markastana uu jeclaa inuu si hufan u qeexo fikirkiisa.

Waxaan ka wada qayb galay shirar badan oo caam ah iyo shirar hoose oo markii mudo la joogoba aan wici jiray oo aan casho ama qado isu raaci jiray si aan ugala sheekaysto uga faa’iidaysto taariikhda badan ee uu hayo iyo arimaha siyaasada ee markaas ka taagan Soomaaliya.
Shirarkaas caamka ah waxaa ugu caansanaa shirkii uu soo qaban qaabiyey (Ururka Midowga Qurba Joogga Soomaaliyeed) Halkaan ka eeg oo ahaa urur wadani ah oo lagu aas aasay dalka Maraykanka kana horyimid qabsashadii ciidammada itoobaya ay ku qabsadeen qaybo kamid ah dalka Soomaaliya dhamaadkii 2007.

Ururkaas oo xiligaas aan ka ahaa gudoomiye waxaan goobta caanka ah ee Minneapolis Convention kawada jeedinay Mudane Abdirisaaq Xaaji Xuseen khudbooyin ku aadan galida ciidamada dowlada Itoobiya ay Soomaaliya ku qabsadeen gaar ahaan caasimada Soomaaliya Muqdisho, wuxuuna halkaas ka jeediyey Mudane Abdirisaaq khudbadiisii taariikhiga ahayd.

Halkaan kuma soo koobi karo dhaxalka aan ka reebay Hon. Mudane Abdirisaaq Xaaji Xuseen, waxaan rabaa intaanan idin la wadaagin shakhsi ahaan inta aan ka bartay qof noocee ah ayuu ahaa Mudane Abdirisaaq inaan idin la wadaago, su’aal aan waydiiyey jawaab uu iga siiyey.

Waxay ahayd xili galab waxaana I weheliyey eng. Maxamed Cali oo inta badan aan wada joogi jiray marka aan la kulmayno Mudane Abdirisaaq, waxay ahayd galab casarkii, isbariidin iyo iswaraysi kadib, waxaan waydiiyey “Mudane, Adeer Abdirisaaq waxaan ku waydiinayaa maxay ahayd arintii kuugu adkayd kuuguna muhiimsanayd intaad xilka Raysalwasaaranimada haysay. ”

Su’aal kale ayuu igu soo celiyey “Ma maqashay Post rose” (Bukhshadii guduudnayd) waxaan ku jawaabay maya, aad ayuu u qoslay, markale ayuu igu soo celiyey ma maqal bukhshadii guduudnayd, waxaan iri maya maxay ahayd post rose.? Wuxuu yiri “Markaan Raysalwasaha noqday ayaa waxaan iri qiimayn ha lagu soo sameeyo shaqaalaha dowlada oo dhan qaabka shaqadooda, waxaa lagu soo sameeyey qiimayn wayn, jawaab celintii waxay noqotay, boqolkiiba todobaatan 70% in shaqaalaha aysan shaqayn, kadibna waxaan qaatay go’aan in 70% shaqada laga rukhseeyo, sodonka 30% soo harayna la dalacsiiyo, dhamaan tood waxaa loo diray post rose (bukhshadii guduudnayd) markaas ayuu hadana intuu qosol ku celiyey yiri kadibna waxaa la waayey cid soo shaqa tagta, markii la waydiiyey kuwii aan la rukhsayn ee la dalacsiiyey, maxaa idin ku dhacay ee lasoo shaqo tagi waydeen, waxay ku jawaabeen post rose ayaa noo timid, kadibna waxaa la yiri bal horta furta maxaa ku jira. In taa wuxuu kusii daray “wuxuu ahaa go’aan khatar ah oo naftayda iyo wadankaba halis galin kara, shaqadii oo laga rukhseeyey shaqaalihii wadanka oo nooc walba leh madax, maamul iyo shaqaale caadi ah intaba ma’ahayn go’aan sahlan.”

Kumuu ahaa Mudane/Hon.Abdirisaaq Xaaji Xuseen intii ku siman aqoontayda gaaban oo gaaraysa shan iyo tobon sano la soco qoraalka kan xiga, hadii Alle idmo, anigoo og inay jiraan dad iga badiya lana soo shaqeeyey ama saaxiib dhow lahaa mudadaas qarniga ku dhow ee uu noolaa, hadana waxaan aamin sahanay inaan ka mid ahaa saaxiibadiisa uu tixgaliyo.

Xassan Dhooye
North America
Dhooye@hotmail.com

Leave a comment

*

Archives
February 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
2425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online