DFS oo sheegtay in la wareegtay deegaanka Gendershe ee Gobalka Shabeelaha Hoose

February 5, 2014 - Written by Editor

askarMuqdisho:-Saraakiil u hadlay DFS ayaa waxaa ay sheegeen in ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ay saaka la wareegeen deegaanka Gendershe oo ka tirsan Gobalka Shabeelaha hoose halkaas oo ay horey ugu  sugnaayeen kooxda  Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa waxaa uu dhacay saaka waxaana ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ay duulaan ku qaadeen deegaan ka Gendershe oo ah halka ay weerarada ka soo qaadi jireen kooxada Al-Shabaab sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan DFS.

Ciidamada saaka qabsaday deegaanka Gendershe ayaa waxaa hogaaminayey Abaanduulaha ciidamada DFS Gen C/risaaq Khaliif Cilmi iyo Wasiir ku xigeenka Wasaarada Gaashaandhiga ee dowlada Soomaaliya. Abaanduulaha ciidamada DFS Gen C/risaaq Khaliif Cilmi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in uu ku sugan yahay deegaanka Gendershe wuxuuna sheegay in howlagalada ay wadaan ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ay sii socon doonaan.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Deegaanka No.50 C/laahi Waafoow,ayaa sheegay in ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ay ka gudbeen Deegaanka Gendershe,ayna ku sii jeedaan deegaano kale oo ka tirsan Gobalka Shabeelaha Hoose.

Ilaa haatan ma jiraan cid ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ka hadlay guulaha ay sheegatay dowlada Soomaaliya

A/Cawle
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
2425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online