Madaxwaynaha dowladda Puntland oo gaaray Muqdisho
February 6, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Wafdi uu hogaaminayo madaxwaynaha dowladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa saaka waxaa u dhoofay magaalada Muqdisho si uu ugu qayb galo Aas qaran oo loo samaynayo Allaha u naxariistee Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo lagu aasi doono magaalada Muqdisho.
Agaasime ku xigeenka madaxtooyadda Puntland Cawil Xassan Daad oo la hadlay saxaafada ayaa waxaa uu u sheegay in wafdi balaaran oo uu hogaaminayo Madaxwaynaha dowladda Puntland ay u dhoofeen magaalada Muqdsho si ay uga soo qayb galaan aaska qaran ee loo samaynayo Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdirisaaq Xaaji Xuseen.
Madaxwaynaha dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali(Gaas) ayaa waxaa safarkiisa ku weheliya Wasiiro , Xildhibaano, Issimo iyo waxgarad kale, Wafdiga waxaa ka mid ah Madaxweynihii hore ee Puntland Gen. Cadde Muuse Xirsi Boqor, Islaan Bashiir Islaan Cabdulle, Islaan Ciise Boqor Burhaan Boqor Muuse, Ugaas Cabdullaahi, Fiqi Bashiir Cabdulle Cismaan iyo Wasiirkii hore ee amniga Gen.Yuusuf Axmed Kheyr.
Wafdiga uu hogaaminayo Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed Maxamed iyo qaar ka mid ah golahiisa wasiirrada
Allaha u naxariistee Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Soomaaliya Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo meydkiisa laga soo duuliyey dalka Maraykanka ayaa saacadaha soo socda laga soo dejin doonaa garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Aaska Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Soomaaliya Cabdirisaaq Xaaji Xuseen ayaa waxaa ka soo qayb geli doona wufuud kale duwan oo ka imaan doonaa dalalka Jabuuti, Kenya, Uganda, Itoobiya , Midowga Yurub iyo Maraykanka.
Waxaa kale oo Aaska ka soo qayb geli doona masuuliyiin ka tirsan maamul goboleedyada dalka gaar ahaa Puntland, Gal-mudug Ximin iyo xeeb iyo Jubba
M_M_Deeq
Halgan.net