Madaxweyne DFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Brundi (Warsaxaafadeed+Masawiro)

February 8, 2014 - Written by Editor

55Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ammaanay doorka Burundi oo uu sheegay inay yihiin Wallaalo dhab ah.Madaxweynaha ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Brundi H.E. Laurent Kavakure, oo ay wehliyeen Taliyaha Ciidanka AMISOM Lieutenant General Silas Ntigurirwa, Wasiirka Arrimaha Dibedda Abdirahman Duale Baileh, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda Soomaaliya Burci Maxamed Hamza iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalkaasi Brundi Abshir Xasan Abshir.

Madaxweynaha ayaa yiri “Aad iyo aad baan u mahadcelineynaa Wallaalaha Burundi oo dhiigooda noo huray si uu dalku amni u noqdo. Sanadkii 2007 illaa iyo hadda ayey ciidamada Burundi, kuwa kale ee AMISOM iyo ciidanka Soomaalidu ay si joogta ah ula dagaalamayeen kooxaha Al-Shabaab, oo ay noo sameynayeen fursadahan hadda jira ee aan dalka dib ugu dhiseyno oo shacabku ay istaahilaan, mana hilmaami doono doorkii iyo abaalkii Burundi.”

Madaxweynaha iyo Wasiirka arrimaha dibedda ee dalka Burundi ayaa waxey ka wada hadleen arrimaha amniga, tiro kordhinta ciidamada AMISOM oo horey Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay u ansixiyeen iyo sidii ciidanka Soomaalida loo taageeri lahaa.

33Madaxweynaha ayaa yiri “Sanadkan 2014 waa mid muhiimad gaar ah noo leh. Waxaan xoojineynaa dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, xasilinta dalka oo dhan. Burundi, AMISOM-ta kale iyo ciidanka Soomaalida ayaana kaalin mug leh ka qaadan doona dadaalada xasilinta dalka.”

-DHAMAAD-

Leave a comment

*

Archives
February 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
2425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online