Afhayeenka Maamulka KMG ee Jubba oo ka hadlay amaanka Kismaayo
February 10, 2014 - Written by EditorKismaayo:-Afhayeenka Maamulka KMG ee Jubba C/naasir Seeraar Maax ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dilalka qorsheysan ee maalmahan dambe ka dhacaye Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose. C/naasir Seeraar Maax Afhayeenka Maamulka KMG ee Jubba ayaa u sheegay warbaahinta in amaanka guud ee magaalada Kismaayo uu yahay mid wanaagsan oo ay gacanta ku hayaan ciidanka Maamulka Jubba waxaana uu sheegay in ciidankooda ay gacanta ku soo dhigeen gacan ku dhiigle dilay askari ka tirsan ciidanka Juba.
Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose ayaa waxaa ka dhacay dilal qorsheyn iyo kuwa salka ku haya aano qabiil waxaana socda howlgalo amaanka lagu xaqiijinayo oo ay wadaan ciidanka maamulka KMG ee Juba. Howl galada ay wadaan ciidanka amaanka ee Maamulka KMG ee Jubba ayaa waxaa lagu soo qabtay dhowr qof oo looga shakisan yahay in ay wax u dhimayeen amaanka magaalada Kismaayo.
Cabdi Yare
Kisdmaayo