Tarbiyah Productions oo bilaawday Baraamijyo xiiso leh iyo kulan ay la yeelatay Sh Maxamuud Shible (Daawo )

February 10, 2014 - Written by Editor

1Madiina:-Walaalaha sharafta leh ee ku xiran webka Halgan.net waxaan la socodsiinaynaa in la bilaabay barmaamij xiiso badan oo ah wareysiyo iyo kulamo gaar ah aan la yeelan doono Culumada ugu caansan ee dalka Soomaaliya kuwaas oo ku nool dalka gudahiisa iyo dibadiisa waxaana lagu soo bandhigi doonaa taariikh nololeedka culumada iyo qeybta ay ka soo qaateen faafinta dacwada Salafiga ee Soomaaliya.

Barnaamijkaan oo ah mid aan noociisa oo kale uusan hadda ka hor soo bixin, aana rajayndoono in uu nacfi iyo xiiso badan u yeelan doono walaalaha jecel culumada iyo taariikhdooda waxaana ku soo bandhigi doonaa haddii alle idmo taariikh nololeedka culumada iyo marxaladihii kala duwanaa ay ka soo mareen barashada cilimiga ,faafintiisa , iyo su’aalo kale oo qiimo badan oo aan weydiin doono Culumada.

Barnaamijka ayaa noqon doona mid taxane ah oo ay ka faa,ideysan doonaan dhalinta saxwada Islaamiga iyaga oo baran doona culumadooda Soomaaliyeed si aysan ugu dhicin dabinka firqooyinka lunsan ee haatan ku howl gala magaca diineed.

3Barnaamijkan ayaa waxaa soo diyaarisay Tarbiyah Productions, oo ay gacanta ku hayaan dhalinyaro u taagan faafinta khayrka ,waxaa kale oo ay Tarbiyah Productionsay ku hawlan tahay barnaamij kale oo Bulshada iyo toosinteeda ku saabsan oo isaguna soo bixi doona inshaa Allaah.

Waxaan Allaah ka rajaynaynaa inuu camalkaan naga aqbalo kuligeen nagana dhigo kuwii Allaah ugu dhawaada. .

Hoos Ka Daawo kulankii ay Tarbiyah Productions la yeelatay Sheekh Maxamuud Shible

Wixii faahfaahin ah fadlan kala xiriir barnaamijkaan Culumada waraysigeeda ah barta Facebook ee Tarbiyah Productions iyo barta Youtube-ka ee Tarbiyah Productions.

www.facebook.com/TarbiyahProductions

www.twitter.com/TarbiyahProduct

Youtube:-www.youtube.com/channel/UCHwPCmPlLma3aKh1_aTecMw?feature=watch 

Tarbiyah Productions

Faafin.Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
2425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online