Jen Yuusuf Indha Cadde oo ka hadlay guri uu ku lahaa Muqdisho oo la qarxiyey.[Dhagayso]
February 14, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Jen Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacade) oo ka mid ah saraakiisha ciidanka Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa waxaa uu warbaahinta kula hadlay degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir isagoo ka hadlay guri uu leeyahay oo lagu qarxiyey magaalada Muqdisho waxaan uu ku goodiyey in si deg deg ah uu uga jawaabi doono.
Yuusuf Maxamed Siyaad(Indhacade) ayaa sheegay in xubnaha Al-shabaab oo ay qabtaan dowladda Federaalka Soomaaliya lagu sii daayo laaluush marka la geeyo xabsiga balse isagu uusan wax xabsi ah geyn doonin qof ka mid ah Al-shabaab haddii uu qabto.
Yuusuf Maxamed Siyaad ( Indhacade) ayaa yiri ” Ilaahay baan ku dhaartaye haddii qof Al-shabaab ah aan qabto in aan Maxkamada geyn dooni waadna ogtihiin arrinkaas oo waa is naqaan , Yuusuf Maxamed siyaad Indha Cadde ayaa sheegay in gurigiisa uu si dhaqso ah uu u soo degi doono uuna garanayo guryahay ay magaalada Muqdisho ku leeyihiin masuuliyiin ka tirsan Al-shabaab sidda Cali Maxamuud Raage Cali Dheere , Khaliif Cadalle iyo Xuseen Cabdulle Xalane oo uu sheegay in uu u yahay adeer.”
Hoos ka Dhagayso shirka jaraa’id ee uu Muqdisho ku qabtay Yuusuf Maxamed Siyaad ( Indhacade)
A/Cawale
Halgan.net