Maanta oo ku beegan maalintii Al-Shabaab ay dileen Sh. Cabdulqaadir Nuur Faarax [Dhagayso]

February 15, 2014 - Written by Editor

sheekh-cabdulqaadirBoosaaso:-Alle ayaa Mahad oo dhan u sugnaatay,naxariis iyo nabadgelyana korkiisa Allaha yeelo Nebigeenii Muxamed intaas ka dib waxaan Alle uga baryayaa dhamaan culimadii , ducaadii iyo waxgaradkii Soomaaliyeed oo ay dileen Al-shabaab in uu u naxariisto janadii firdowsana uu geeyo kuwii dilay , kuwii soo abaabulay,kuwii ka shaqeeyey dhagartaas in uu alle ku ciqaabo aduunka inta aan la gaargin aakhiro.

Waxaa maanta laga joogaa mudo sanad ah [15.02.2013] maalintii ay amniyaadka Al-shabaab ee ka amar qaadata Axmed Cabdi Godane ay ku dhex dileen gudaha Masjidka Beder ee magaalada Garoowe xili uu ku gudo jiray salaadii casar.Halkaan ka dhagays Sh xassan Daahir oo ka hadlaya dilka Sh Cabdulqaadir Nuur oo isaga naftiisa markii danbe ay khtar geliyeen ka dibna habeen madaw ka baxsaday degmada Baraawe

Sh Cabduqaadir Nuur Faarax Allaha u naxaristee waxaa dilay wiil aad u da’yar waxaan xabad kaga dhuftay Madaxa xili Shiikhu uu Allahii Abuuray uu u Rukuucsanaa iyadoo dadkii Masjidka ku tukanayey ay mar kaliya ay ku noqotay naxdin, yaab, filanwaa iyo murugo.

Sh. Cabdulqaadir Nuur Faarax Allaha u naxariistee waxaa uu ahaa caalim diinta Alle ku ciraysatay , aqoon durugsan u lahaa Manhajka guracan oo ay Ahlu bidicu ku khilaafeen Ahlusunaha , Shiikh ayaa ahaa geesi aan xaqa ka gaban go,aana adag.

Sh.Cabdulqaadir Nuur Faarax ayaa la dilay xili aad u wanaagsan oo uu hortaagan yahay Allahii abuuray waxaan Alle uga rajaynayanaa in camalka fiican ee uu ku dhintay Alle ka aqblo ,runtii kooxda Al-shabaab ee Shiikh dishay waxaa ay isla haayeen haddii aad shiikh dishaan waxaa istaagi doona dacwada waxaan la weyn doon cid danbe oo xaqa u sheegtay bulshda Soomaaliyeed ee muslinka ah balse arrinku waxaa ay noqotay in dilka Sheekh C/qaadir Nuur Faarax ka dib ay dad badan fahmeen wax ay yihiin kooxda Al-shabaab.

Sh Cabduqaadir Nuur Faarax Allaha u naxariistee oo wax loo dilay ay tahay diintii uu xanbaarsanaa kuwa dilay iyo kuwa been abuurtayna waxaa ay u dileen dhowr sababood oo aan ka tilmaami karo:-

1- In Sh.C/qaadir Nuur Faarax uu si cad uga hadlay arrimo ku saabsan khaladaad ku jira ama soo dhexgalay saxwada dalka Soomaaliya kuwaas oo laga soo maanguuriyey dalka dibadiisa iyo afkaar khaldan oo soo gashay masaa’ilka Jihaadka , xukunka Al-walaa Walbaraaga, iyo xadgudubka kale ee diiniga ah isagoo Sheekhu uu arrinkaas bilaabay laga soo bilaabo markii ay kooxdii Takfiirka ay soo baxday ilaa maalintii la dilay.

2- In Sh Cabduqaadir Nuur Faarax uu ka hadli jiray inta badan in la mideeyo bulshada Soomaaliyeed si cadowgeeda ay si midaysan uga hortagaan oo koox koox aan cadawga looga hortagi karin.

3-In xalka Soomaaliya laga raadiyo dhinacyo badan,sidda in umada soomaaliyeed oo dhan la isla raadsho, awoodooda oo la mideeyo, iyo in umada la hishiisiiyo Dacwadana la fidiyo.

4- In arrimaha waa weyn ee umadda sida Jihaadka laga wada tashto umadan oo dhan laga tala geliyo si cadawga ka hortagiisu uu u sahlanaado.

5-In Culimo uu ka mid yahay Sheekh. Cabduqaadir Nuur Faarax oo markii ay khaladaadkaas si hoose u sixi waayeen safaro badan ku tageen magaalada Muqdisho ka dibna go,aansaday in ay kor u dhawaaqaan si dhalinta aan in badan la soo hana qaadin saxwadii ka jirtay dalka Soomaaliya aan lugu shubin afkaar guracan oo u jeedadda ka danbaysa ay tahay in la burburiyo saxwadii dalka Soomaaliya taas oo marka hore ay tahay in culimadii lagu yaqaanay Dacwadii Soomaaliya laga faafiyo been abuur iyo xad gudubyo diineed si dhalaanka soo koraya loo tuso in culimadu waaweyn ay yihiin kuwa diinta ay sheegayaan aan ka dhab ahayn arrinkaas oo dad badan ay la socdaan in ay ka qayb qaateen shirkado cadow u ah diinta Islaamka si toos ah iyo si dad ban la huwiyey magacyo diineed hubaysan loona adeeg saday in u jeedooyinkaas ay fuliyaan ururka Al-shabaab iyo warbaahintooda.

6- In Culimo uu ka mid yahay Sh Cabduqaadir Nuur Faarax in lagu been abuurto waxaa kale oo sabab u ahaa aqoon daro diineed iyo hami siyaasadeed iyo aragti gaaban oo ragga kooxaha hubaysan hor boodayey qaarkood ku jira taas oo Sheekh Cabduqaadir Nuur Faarax uu si adag uga hadlay sidda ay u dhinac marsan yihiin Manhajkii sax ahaa.

Culimada sidda rasmiga ah been abuur fara badan laga faafiyey ayuu ka mid ahaa Sheekh Cabduqaadir Nuur Faarax allaha u naxariistee iyadoo sababtu ay tahay in Sheekhu mowqif kiisa diineed ee uu ka qabo arrimaha Soomaaliya gaar ahaan in bulshada Soomaaliyeed lagu iclaamiyo dagaal dhiigoodana la banaysto uu in badan ka digay waan tan ay u dileen kuwa danta guud ee dalka iyo diinta cadawga u ah.

Waxaa kale oo iyana meesha ka marnayn in Sheekh Cabduqaadir Nuur Faarax Allaha u naxariistee Talooyinkii uu bixiyey iyo naseexooyinkiisu ay u badnaayeen in umada soomaaliyeed aan dhiigooda la banaysan oo aan duulaan lagu qaadin dadka Soomaaliyeed ka dib markii Maxkamadihii hubaysnaa oo ka koobnaa ilaa 12 urur ay balaariyeen awoodood ciidan taas oo soo dedejin karta burburkooda arrinkaas oo aan laga qaadan isaga iyo culimadii kaleba waa tan soo dedejisay markii danbe bur burkii Maxaakimta.

Culimada Soomaaliyeed ee ku nool degaanada hadda loo yaqaan Puntlland ayaa ah culimadii ugu horeeyey oo si geesinimo leh u go,aan saday in ay baaq iyo naseexooyin u jeediyaan xoogaggii hubaysnaa ee ay hogaaminayeen Maxaakimta ka dib markii ay bilaaben in ay dulaan ku qaadaan gobollada dalka Soomaaliya oo dhan iyagoo idaacaddaha ka oranaya waa naloo yeertay ama beel hebla ayaa doonaysa shareecada ama ku dhawaaqday iyadoo arrinkaas ay wadeen taageerayaashoodii ku sugnaa Gobolladaas.

Culimo uu ka mid yahay Sheekh Cabduqaadir Nuur Faarax ayaa waxaa ay bilaabeen in wixii ay u arkaan xaq ay cadeeyaan oo dad weynaha u sheegaan wixii ay u arkayeen diin oo ay ugu horaysay dagaaladii ka socday dalka oo wajiyo badan yeeshay ayna soo baxday in magaalooyin ku yaal Soomaaliya la go.aamiyey in si deg deg ah loo weeraro laguna magacaabo Jihaad arrinkaas oo uu Sheekha iyo culimadu ay si adag uga digeen.

Culimada Soomaaliyeed ee ku nool degaanada Puntlland iyo gobollada dalka qaarkood ayaa ilaa intii ay bilaabeen in ay jeediyaan naseexooyin iyo baaqyo ay ku toosinayaan baraaruga ama saxwadii ka jirtay dalka Soomaaliya waxaa la bilaabay in lagu been abuurto ama been badan laga faafiyo taas oo ah suno kowni ah oo qof walba oo xaq sheega ay kooxaha lunsan ay isku dayaan in ay kaga aargutaan been sheegid haddaba kooxahaas ayaa waxaa ay u qaybin karaa ilaa dhowr nooc oo kala ah:-

1- Kuwo lunsan oo u adeegaya cadowga diinta Islaamka u jeedadooduna ay tahay in gudaha laga dumiyo diinta iyo ehelkeeda.

2- Kuwo qaba jirooyin dhinac maskaxda ah oo ay ugu horayso cuqadad ku fogaatay oo culimada qaar ka mid ah ay kula coleebeen wax soomaali isku laysay oo ay ugu horayso beesha uu sheekhaas ka dhashay.

3-Kuwo kadsoomay oo ay kadiyeen kooxaha wax gaalaysiiya ee loo yaqaan Takfiirka ama khawaarijta waa ururka Al-shabaabe oo hadafkoodu yahay in ay Manhajka Ahlusunaha burburiyaan.

4- Kuwo leh u jeedo siyaasadeed oo salka ku haysa dhibaatooyinka hunguriweynida ee u dhexeysa beelaha soomaaliyeed ee ka fog isku tanaasulka dhinac siyaasada beeleedka ku astaysan.

Culimo uu ka mid yahay Sheekh Cabduqaadir Nuur Faarax ayaa in laga sheego been abuur waxaa ay bilaabtay ama ay si xooggan u soo shaac baxday ka dib markii uu dhacay bur burkii dowlladii dhex ee ka jirta dalka Soomaaliya ayna bilaawdeen Mucaskaraadkii hubaysnaa ee laga aasaasay Gobollada Soomaaliya qaarkood, culimada ayaa waqtigaas waxaa qaarkii aan la dhacsanayan qaabka ay u shaqaynayaan Mucaskaraadka ama in hub la qaato iyagoo ka baqayey in dadka shacabka ah lala dagaalmo ama qabaa’ilka ayaa waxaa loo bixiyey magacyo kale duwan oo ah in ay yihin kuwa ka soo horjeeda jihaadka iyo in qabaa’ilkooda ay la safan yihiin arrinkaas oo dhalinyaradii hormuudka ka ahaa qaarkood ay nool yihiin maantana ah kuwa aan saxwo iyo wadaadnimo aan shaqo ku lahayn halka qaar kood ayba noqdeen kuwa galay kooxaha lunsan sida kuwa yiraahda Axaadiiska Rasuulka ma jiraan oo Quraan kaliya baan aaminsanahay.

Hoos ka Dhagayso Sh Maxamuud Shible oo arrinkaas ka waramaya

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/b107a823ak/video_taariikhi_ah2.mp3]

Haddaba akhristow waxaan maqaalkii hore ee aan ugu magacdaray Waa maxay Ujeedadda rasmiga ah ee ka danbaysa in lagu been abuurto culimada aan idin maqashiinay codad ay leeyihiin culimada kala ah Allaha u naxariistee Sh. Dr Axmed Xaaji Cabdiraxmaan iy o Sh Cabdinaasir Xaaji Axmed oo naseexo iyo waano ku salaysan aqoon iyo waayo aragnimo u jeediyey bulshada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Boosaaso iyadoo hadafkooda uu ahaa in ay saxaan khaladaadka saxwada soo galay balse kuwo cadaw u ah saxwada soomaaliya ay maalin cad ku dileen magaalada Boosaaso iyo Garoowe Sh Dr Axmed Xaaji iyo Sh Cabduqaadir Nuur Faarax Allaha u naxariistee.

Dad badan oo dhalinyaro ah ama qurbo joog ah ayaa waxaa mareegaha beenta ka faafiya culimada Soomaaliyeed kuna shaqaalay san waxaa ay daabaceen qoraalo fara badan oo ay ku xadgudbayaan sharata culimada Soomaaliyeed gaar ahaan Sh Cabduqaadir Nuur Faarax iyo culimada kale ee dalka soomaaliya iyadoo maanta arrinkaas ay dadka dhalinyarada ah ay fahmeen.

Dilka ay u geysteen ururka Al-shabaab Sheekh cabdulqaadir Nuur Faarax ka dib ayaa kuwa beenaalayaasha ah ay bilaabeen in ay is been fariimaan iyagoo saxaafadooda iyo goobaha fadhi ku dirirka ah ka bilaabay maalintaas hadalo ay kooxda Suufiyadu adeegsan jireen iyo kooxaha kale oo ah in wixii dagaalo ka dhacay Soomaaliya dusha laga saaro culimada Manhajka Salafiga ee ku midaysanaa ururkii Al-itixaad Islaama ama Ictisaam Bilkitaab Wasunaha.

Dagaaladii ka dhacay Soomaaliya oo ay galeen dhalinyaradu waxaa dadka saxwada ku jira ay ogyihiin in dagaaladaas aysan aan lagu gelin go,aan ka soo baxay Majliska Shuurada ee ururkii Al-itixaad Islaami balse ay dagaalka gaaleen dhalinyarad iyadoo raggii dagaaladaas galay ama goobta joogay lagu maxkamadeeyey ilaa qaarkood xilka ay ka hayeen ururka Al-itixaad Islaami laga qaaday.

Haddaba bal nala dhagayso Sh.Cabduqaadir Nuur Faarax allaha u naxariistee oo ka waramaya dagaaladii ay galeen dhalinyarada ayna la galeen Jabahadihii Qabaa’ilka ahaa iyo bal cid go,aamisay dagaalkaas, culimada Soomaaliyeed ee ku midaysnaa ururkii Al-tixaad Islaami hadda la yiraahdo Ictismaam Bilkitaabi Wasunaha ayaan Golaha Shuurada uusan soo saarin wax go,aan ah oo ay ku go,aami yeen dagaaladii ka dhacay dalka Soomaaliya ee ay dhalin yaradu la galeen Jabhadihii Qabaa’ilka ee hubaysnaa.

Sh.Cabudqaadir Nuur Faarax oo akhrinaya Manhajka Ururka Ictisaam Bilkitaab Wasunaha ayaa waxaa aad ugu dheeraaday Gaalaysiinta iyo Xad gudubka isagoo si gaar ah u soo qaaday in kooxda Takfiirka iyo kooxaha kale ee dhinac maray Manhajka Ahlunaha gaar ahaan ururka Al-shabaab aysan ka soo dhex bixin Dacwadii Salafka ee ay culimada Soomaaliyeed ay ka wadeen dalka Soomaaliya isagoo Shiikhu uu sheegay in ay jiraan ururo caalami ah oo gaaladu ay ka danbeeyaan oo doonayay in kooxaha Takfiirka iyo Al-shabaab ay doonayaan in ay yiraahdaan dacwadii soomaaliya bay ka soo dhexbaxeen iyadoo arrinkaas dadka laga leeyahay ay tahay in Dacwada saxda ah saaxada laga fogeeyo.

Sh.Cabudqaadir Nuur Faarax ayaa waxaa uu si gaar ah u soo qaaday Xadgudubka diineed ee uu ku dhacay Xassaan Xuseen Aadam isagoo sheegay Shiikhu in uu Fatwooday in culimada Ictisaam ay yihiin kuwa diinta ka ridoobay taas micniheedana ay tahay in culimadaas odayaasheeda la laayo dhiigooduna uu yahay mid uu banaayey waan tan sababtay in la dilo culimadii uu ka mid ahaa Allaha u naxariistee Sh Cabduqaadir Nuur Faarax iyo Sh Dr Axmed Xaaji Cabdiraxmaan, Xassaan Xuseen Aadam ayaa meelna uga bixi doonin culimadaas la laayey dhiigooda aduun iyo aakhiraba waan mid uusan ka garbixi karin haddii ay noqon lahayd dhinac Qisaasta mar haddii uu isaguba qirsan yahay in ururkii ay culimadaas hogaanka u ahaayeen ama ka tirsanaayeen uu ku xukumay Rido ama gaalnimo.

Hoos ka Dhagayso Sh Cabdulqaadir Nuur Faarax Allaha u naxariistee
[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/zl2kxk3qdk/shcabdulqaadir_nuur.mp3]

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
2425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online