Ciise Maxamed Allaaki (Ciise Kaambooni) oo Kismaayo lagu aasay

February 18, 2014 - Written by Editor

CiiseKismaayo:-Waxaa saaka lagu aasay Qabuure ku yaal magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose Taliyihii ciidanka nabadsugida Maamulka KMG  Ciise Maxamed Allaaki (Ciise Kaambooni) oo xalay mid ka mid ah ilaaladiisa uu ku dilay magaalada Kismaayo.

Ciise Maxamed Allaaki (Ciise Kaambooni) ayaa waxaa uu ka mid ahaa Saraakiishii  Ururkii Raaskaambooni ee uu gudoomiyaha u ahaa Sh Xassan Turki waxaan uu markii danbe ka mid noqday ururkii Xisbul Islaam ee burburay ee uu gudoomiyaha ka ahaa Sh.Xassan Daahir Aweys.

Ciise Maxamed Allaaki (Ciise Kaambooni) ayaa  waxaa uu ahaa qof labaad marka laga reebo madaxweynaha maamulka Jubba Axmed Madoobe oo ay aad u doonayeen Al-shabaab in ay khaarajiyaan arrinkaas oo ay ku guulaysteen ka dib markii ay u soo mareen wiil uu adeer u ahaa oo ka mid noqday ilaaladiisa gaarka ah kana soo goostay Al-shabaab sidda uu sheegtay.

Dilka Ciise Kaambooni ayaa ku soo beegmaya xili ay ciidamada shisheeyey ee AMISOM ay sheegeen in ay dagaal ku qaadi doonaa saldhigyada Al-shabaab ay ku leeyihii gobolladda Jubooyinka iyo Gedo.

Dhinac kale Wasiirka Amniga Maamulka Jubba Gen.Maxamed Warsame Darwiish oo ka hadlay dilkii Taliyihii nabadsugida maamulka Jubba Ciise Kaambooni ayaa sheegay in maamulkiisu ay talaabo adag ka qaadi doonaa dadka la shaqeeya Al-shabaab ee ku sugan magaalada Kismaayo.

Wasiirka amnigae maamulka Jubba Gen.Maxamed Warsame Darwiish ayaa sheegay in ninka dilay Taliyihi ciidanka nabadsugida ee maamulka KMG ee Jubba Ciise Kaambooni ay qaraabo ahaayeen kana mid ahaa ilaaladii taliyaha oo si hoose ula shaqaynayey Al-shabaab , Gen. Darwiisha ayaa sheegay in ay ku raad joogaan danbiilihii falka geystay iyo cid walba oo gacan ku siisay arrinkaas.

Wasiirka Amniga Maamulka KMG ah ee Jubba Gen.Maxamed Warsame Faarax Darwiish  ayaa ugu baaqay dadka shacabka ah ee ku nool Jubooyinka in ay kala shaqeeyaan Maamuka Jubba siddii loo sugi lahaa nabadgelayad isagoo xusay in ay ka warqabaan kooxo la shaqeeya Al-shabaab talaabo adagna ay ka qaadi doonaan.

Cabdi Yare
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
2425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online