Gudoomiyaha baarlamaanka DFS oo heshiis la saxiixaday dhigiisa Sudan

February 20, 2014 - Written by Editor

IMG_3287Iran:-Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo wafdi uu hogaaminayo ay socdaal shaqo ku joogaan dalka Iran ayaa heshiis iskaashi kula saxiixday magaalada Tehran dhigiisa Dalka Sudan Dr Al-Faatix Cizadiin Mansoor.

Saxiixa heshiiskan ayaa dhacay dhamaadka shirweynaha 9-aad ee Baarlamaannada dalalka Iskaashiga Islaamka oo lagu soo gebagebeeyey magaalada Tehran waxaana labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Sudan heshiiskan iskaashi iyo wadashaqeynta ku dhisan u kala saxiixay Gudoomiyeyaasha labada Baarlamaan.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ka hadlay kulanka heshiiska kadib ayaa tilmaamay in Baarlamaanka Soomaaliya uu aad ugu faraxsanyahay heshiiska iskaashi iyo wadashaqeyn ee ay hada la saxiixdeen walaalahooda Sudan waxaana uu ballan qaaday in dhanka Baarlamaanka Soomaaliya uu heshiiskan ka hirgeli doono.

Gudoomiyaha Baarlamaanka dalka Sudan Dr Al-Faatix Cizadiin Mansoor oo isna dhankiisa heshiiskaasi ka hadlay ayaa ugu horeyn tilmaamay in Sudan ahaan ay aad ugu faraxsanyihiin iney iskaashi wadashaqeyn heshiis ku saabsan ay la saxiixdaan walaalahooda Soomaaliyeed waxaana uu isna dhankiisa ballan qaaday in heshiiskan ay ka go’antahay hirgelintiisa Baarlamaanka dalka Sudan.

Heshiiskan iskaashiga iyo wadashaqeynta ah ee ay kala saxiixdeen Gudoomiyeyaasha Baarlamaannada Soomaaliya iyo Sudan ayaa waxa uu dhigayaa in labada Baarlamaan ay sameeyaan qibrad is weeydaarsi toos ah iyo iney
Sudan bixiso tababarro dhanka shaqaalaha Golaha Shacabka ah iyo farsamooyin qibrad isdhaafsi ah oo labada Baarlamaan dhexmari doona. Tallaabadan ayaa qeyb ka ah guullaha uu ku talaabsanayo Baarlamaanka
Federaalka Soomaaliya mudooyinkii ugu dambeeyey,ayadoo heshiiskan uu sidoo kale ka mid noqonayo heshiisyada uu Golaha Shacabka Soomaaliya la saxiixday Baarlamaannada dhigiisa ah ee heer gobol iyo kuwa caalamiga
ahba.

—DHAMAAD—

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Gudoomiyaha Baarlamaanka

Media & Public Relation Office Of Speaker

Email:- Media@parliament.gov.so

Leave a comment

*

Archives
February 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
2425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online