Madaxweynaha DFS oo ka hadlay weerarkii lagu qaaday Madaxtooyada Soomaaliya (Dhageyso)

February 21, 2014 - Written by Editor

Madaxweyne xasanMuqdisho:-Madaxweynaha DFS Xasan Sh. Maxamuud ayaa si qoto dheer uga hadlay weerarkii lagu qaaday xarunta Madaxtooyada Soomaaliya waxaana uu sheegay in weerarka uusan waxba u dhimi doonin dowlada Soomaaliya.

Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray eheladii dadkii ku dhintay weerarkii lagu qaaday Villa Soomaaliya wuxuu alle uga baryey kuwii ku dhaawacmay in alle caafiyo dhamaantood.

Madaxweynaha DFS ayaa yiri “Waxba iskama keen bedelin, dagaal ayaa ku jirnaa, nama qal qal gelineyso, waxaa ka qaadeynaa  dhiiranaan, geesinimo iyo dhabar adeyg.

Madaxweynaha DFS ayaa sheegay in Al-Shabaab uu duulaan balaaran ku soo socdo wuxuuna sheegay in dagaalkaas uu noqon doono kii Al-Shabaab dalkaan oo dhan looga ciribtiri lahaa.

Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si caro leh u yiri Soomaaliya waa Muslin ha dhageysanina dacaayada Al-Shabaab wuxuuna sheegay in Shacabka Soomaaliyeed ay diinta islaamka Faafiyeen isaga oo tusaale u soo qaatay jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan Yurub iyo Mareykan .

Hoos ka Dhageyso Shirka Jaraa,id uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku qabtay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
2425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online