Ra’iisul Wasaaraha DFS oo shir guddoomiyay kulan aan caadi aheyn oo looga hadlayay xoojinta amniga.[Masawiro]

February 23, 2014 - Written by Editor

IMG_0698Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya  Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa galabta shir guddoomiyay kulan aan caadi aheyn oo ay yeesheen golaha Wasiirada, waxaana kulankan ka soo qeybgalay madaxda maamulka gobolka,  guddoomiyeyaasha 17-ka degmo ee gobolka Banaadir iyo taliyeyaasha saldhig yada, waxaana kulankan ujeedadiisu aheyd adkeynta amniga gobolka Banaadir.

Kulankan ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeybgalay Taliyeyaasha ciidanka Boliiska iyo Nabadsugida, waxaana lagu lafa guray sidii wada shaqeyn dhow ay u yeelan lahaayeen howlwadeenada gobolka iyo xubnaha golaha Wasiirada, waxaana degmo kasta si gaar ah loogu xil saaray 2 Wasiir oo la shaqeyn doonta guddi ka kooban maamulka degmada, qeybaha bulshada degmada, xubin Baarlamaanka ka tirsan iyo labadaasi Wasiir. Waxayna si gaar ah ula socon doonaan xaaladda amni ee degmada.

Sidoo kale, kulankan ayaa lagu wargeliyay dhamaamba guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo taliyeyaasha saldhigyada go’aanada shirkii ugu dambeeyey ee golaha Wasiirada si loogu badalo waxqabad.

Markii uu soo idlaaday kulankan ayaa waxaa warbaahinta la hadlay Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka Cabdullaahi Goodax Barre, isaga oo xusay in kulankan muhiimadisu ay aheyd sidii loo sugi lahaa amniga caasimadda oo ay labo maalin ka hor ka dhaceen falal argagixin ah, wuxuuna tilmaamay in go’aano wax ku ool ah la isla gaaray si loo xanuujiyo caddowga loogana hortago falalka khal khalgelinta amniga ah ee ay mar marka qaar  ka sameeyaan magaalada.

“Caddowgu wuxuu soo weeraray goobtii astaanta u aheyd Qaranimada Soomaaliya ee madaxtooyada, Xukuumaduna waxay si deg deg ah uga bixin doontaa jawaab xanuujisa caddowga” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdullaahi Goodax Barre.

no images were found

Ugu dambeyntiina, kulanka ayaa waxaa soo xiray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Cabdiweli Sheekh Axmed isaga oo faray dhamaamba hay’addaha amnigu inay si adag u wajahaan waajibaadkooda dhanka amniga ayna ka hortagaan fal kasta oo caddowgu ku doonayo inuu ku khal khalgeliyo amniga shacabka.

Garad Salad Hersi
Senior Press officer, PM office
Mob.+252-61-5536608
Mogadishu, Somalia

Leave a comment

*

Archives
February 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
2425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online