Shir looga hadlayo tayenta iyo horumarinta waxbarashada Puntland oo ka furmay Garoowe

February 26, 2014 - Written by Editor

shir_waxbarashoGaroowe:-Shir dib loogu eegayo horumarinta waxbarashada Puntland ayaa maanta waxaa uu ka furmay magaalada Garoowe ee xarunta dowlada Puntland .Shirka ayaa waxaa ka soo qeybgalay Wasiirka waxbarashada Puntland, Cali Xaaji Warsame iyo madax kale oo ka tirsan deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah ee Midowga Yurub .

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdulaahi Cumar Camay oo ka hadlay shirka ayaa u balan qaaday Deeq bixiyaasha in ay arki doonaan qaabka wax qabadka deeqaha ay bixiyaan wuxuuna u mahad celiyey deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah ee Midowga Yurub isaga oo sheegay in ay la xisaabtami doonaan .

Shirka maanta ka furmay Garoowe ayaa waxaa sidoo kale looga hadlay tayenta iyo horumarinta waxbarashada Puntland.Wasiirka waxbarashada Puntland, Cali Xaaji Warsame oo xaflada ka hadlay ayaa sheegay in la sameyn doono siyaasad cusub oo kor loogu qaadi doono waxbarashada deegaanada Puntland wuxuuna mahad balaaran u soo jeediyey deeq bixiyaasha Caalamka gaar ahaan hay’adaha sida gaarka ah ula shaqeeya wasaaradda waxbarashada ee Puntland.

Ku simaha agaasimaha guud ee wasaradda waxbarashada Maxamed Cabdiwahaab ayaa sharaxaad ka baxshay heerka waxbarashada Puntland iyo halka ay marayso.Masuul ka mid ah deeq bixiyaashii ka qeyb galay shirka ka dhacay Garoowe oo saxafada la hadlay ayaa sheegay in ay ku qanacsan yihiin sida hufan oo ay madaxda wasaradda waxbarashada Puntland u soo bandhigeen heerka ay mareyso waxbarashada Puntland .

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
2425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online