Madaxwaynaha Puntland Cabdiweli Gaas oo xarumo ka mid ah Jigjiga booqday[Masawiro]
February 26, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta xarumo booqday magaalada Jigjiga oo uu ku joogay booqasho rasmi ah , waxana wehelinayay dhigiisa Dowladd Deegaanka Somalida Ethiopia Mudane Cabdi Maxamuud Cumar.
Labada Wafdi oo masuuliyiin kala duwan ka koobnaa ayaa booqday qaar ka mida xarumaha uu ka socdo horumarka dowladd deegaanka sida Isbitaalka Refaral, Jaamacadda Jigjiga oo ay kula kulmeen ardey tiro badan, Machadka Caafimaadka oo ay ardey reer Puntland deeqo waxbarasho uga dhigtaan ku soo dhoweeyeen, Taaladda Sayid Maxamed Cabdulle Xasan iyo hoolka shirarka Afrika oo dhismihiisu dhamaad uu yahay.
Goobaha wafdigu booqanayay ayaa warbixino kooban laga siinayay madaxweynaha Puntland sida ay u shaqeeyaan, waxana uu ku amaanay maamulka iyo madaxda dowladd deegaanka Somaalida Ethiopia horumarka ay gaareen.
no images were found
Madaxweynaha Puntland ayaa dhigiisa Dowladd deegaanka kala xaajooday xoojinta xiriirka labada dhinac u dhaxeeyaa, iskaashiga dhanka nabadgelyada iyo horumarinta ganacsiga.
Inta uu wafdiga Puntland ee madaxweynuhu hogaaminayo ku suganyihiin magaalada Jigjiga ayaa lagu wadaa inay la kulmaan qaybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan gobolka.
Xafiiska Warfaafinta
Madaxtooyada Puntland