Diyaarado shalay galab duqeeyey Jaziirada Kudhaa ee Gobolka Jubada Hoose
December 25, 2011 - Written byKudhaa:-Diyaarado laga leeyahay dalka Kenya ayaa mar kale waxaa ay duqeyn ka geysteen shalay galab Jasiirada Kudhaa ee gobolka Jubada Hoose , duqyentaan ay geysteen diyaaradaha ayaa waxaa ka dhashay khasaaro fara badan iyagoo dadka ay bilaabeen in u barakaceen gobha ku dhowdhow Jaziirada Kudhaa.
Diyaaradaha dalka Kenay ayaa shalay galab in ka badan saacad waxaa ay duqeyen ka geysteen Jaziirda Kudhaa gudaheeda iyo Daafaheeda waxaa duqyntaas dhaawac iyo dhimasho ka soo gaartay dad aan ilaa hadda tiradooda la aqoon, Jaziirada Kudhaa ayaa ah Jaziirada camiran oo dad badan ay degan yihiin lehna Dekkada macmil ah waxaa kale oo ay Jaziirada Kudhaa isku xirtaa magaalooyinka Badhaadhe iyo Buurgaabooo ilaa 90-km u jirta magaalada Xeebta ah ee Kismaayo.
Sarkaal u hadalay ciidanka dalka Kenya ayaa sheegay in 2 diyaaradood oo laga leeyahay dalkooda ay duqeeyeen saldhigayo ku yaal bariga Jaziirada Kudhaa oo ay fariisamo ku lahaayeen ciidanka ururka Al-shabaab khasaarana ay gaarsiiyeen, wararka ka soo baxaya dadka degaanka ayaa sheegaya in dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay yihiin dad rayid ah.
Duqeynta diyaaradaha dalka Kenya ee Jaziirada Kudhaa ayaa waxaa ay ku soo beegmaysaa xili maalmo ka hor ay diyaaradaha dalka Kenya ay duqeeyeen degaanka Hoosingoow iyagoo ku laayey dad rayid ah oo aan waxba qalabsan dadkaas oo wixii dhintay mooyee wixii dhaawac ahaa loo soo qaaday magaalada Kismaayo.
A/cawaale
Halgan.net