Nadwo diini ah oo si habsami leh uga socota caawa magaalada Cape Town(Warbixin)
December 29, 2011 - Written byCape Town :-Waxaa maalmahan ka socday dalka Koonfur Afrika shir sanadeedkii labaad ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika shirkaan ayaa waxaa qaban qaabadiisa lahaa golaha dacwada ee Al-bayaan, wuxuu shirkan ka bilowday magaalada ganacsiga ee Johannes burg taariikhdu markay ahayd 25/12/ 2011 wuxuuna soo gaba-gaboobay 27/12/2011.
Culumada ayaa shalay ka bilaabay muxaadarooyin kale duwan magaalada Cape Town iyada oo muxaadaradii ugu horeysay uu jeedshay Sh.Maxamuud Shible wuxuuna ka hadlay Shiikhu towbada iyo sidda ay muhiim u tahay iyo in loo diyaar garoobo maalinta qiyaamaha ee ina wada sugaysa
Muxaadaradii Labaad ayaa waxaa galay Sh Mustafe Xaaji Ismail waxaana uu ka hadlay (Fasaadu Daatil Bayn Hiyal Xaaliqah ) oo ah halka laga soo galay umada Islaamka ee isku wada maqan ,Sheekha Mustafe Xaaji ayaa si xeel dheer uga hadlay khatarta ay leedahay in ay kala dhintaan dadka muslinka ah iyo in la dhexdhigo cadaawo.
Waxaa kale oo caawa muxaadaro jeedshay Sh Dr Ahmed Daahir aweys oo ka hadlay ku sugnaanta diinta iyo Sh Mustafe Xaaji oo isana ka hadlay dulmiga iyo daalimiinta meesha ay ku danbeyndoonaa Waxaa sidoo kale muxaadaro jeedshay Sh Cali Wajis oo isana ka hadlay isku kaalmeysiga camalka kheyrka .alaha xifdiyo dhamaan culumada Nadwada ka wada magaalada Cap-town e dalka South Afrika.
Golaha dacwada ee Albayaan ee magaalada Cape Town ayaa waxay kale uu soo bandhigeen tartan ardayda wax ka barata dugsi yada iyo Masaajida ay gacanta ku hayso Hay,adda Albayaan iyaga oo ku tartamay Quraan waxaana aad ugu riyaaqay dad weyn ihii soo camiray Masjidka.
Culumada ayaa waxaa ay sidoo kale si wada jir ah uga jawaabi doonaan su,aalaha ay dadweynaha soo gudbin doonaa haddii alle idmo, Shabakadda wararka Halgan.net ayaa haddii alle idmo waxay idiin soo gudbin doontaa masawirada iyo muxaadarooyinka laga jeedsho Nadwada ka socota magaalada Cape Town ee dalka South Afrika ee ducada nagu soo kaalmeeya inshalaah.
Halgan.net
Cape Town