Sheekh Maxamed Umal been abuurka oo shaqo laga dhigto si loo xalaalshado dhiiga muslimiinta.(Daawo)

December 8, 2011 - Written by

Nairobi:-Sheekh.Maxamed Cabdi Umal ayaa caawa muxaadaro u jeediyey boqolaal Soomaali ah oo kala socday Qolka Islamic Al-taqwaa Center ,Teleconverceyada isagoo ku sugan Masjidka weyn ee Abuubakar ee magaalada Nairobi  , muxaadarada ayaa sheekha waxaa uu cinwaan úga dhiga been abuurka la rabo in lagu xalaaleysto dhiiga Muslinka gaar ahaan culimada dalka Soomaaliya , Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa waxaa uu muxaadaradiisa uu kag hadlay hadal uu Sheekh Xassan Maxamuud Takar ka jeedi yey magaalada Baydhabo hadalkaas oo uu wadaadku ku weeraray culimo kale duwan oo uu ka mid yahay Shiikh Umal oo uu sheegay in kulan uu ka qayb galay uu baneeyey in ciidanka dalka Kenya ay gali karaan Soomaaliya arrinkaas iyo arrimo kale oo uu ka hadlay wadaadka Xassan Takar ayaa waxaa uu Sheekh Umal ku tilmaamay in hadalkaas uu yahay mid been abuur ah oo Alle aan looqa baqin lana dhowrin amaanadii cilmiga.

Hoos ka Dhageyso Maqal Iyo Muuqaal Qeybtii Koowaad


Hoos ka Dhagayso Muxaadaradii Sh.Umal uga hadlay in la xalaashado beenta si dhiiga muslinka loo banaysto

[audio:https://www.halgan.net/Mp3/beenabuur1.mp3]

C/casiis Maxamed
Halgan.net Nairobi

8 Comments so far

Leave a comment

  1. ASC w.w. salan kadib xafiduhulaah SHiikh maxamed cabdi (UMAL) wuu naga jaahil bixiyey sifiican nimankaa xalaalaystay dhiiga islaamka ,ilaahay iyana wadada saxdaa hatuso,culumadaa fiqigu kuqaloocday ee ninkasta diinta ilaahay suu doonayo utujinayo subxaanalaah waa waxa dalkeenii dhisaas gareeye (xasuuqay)

  2. asc salaan kadib waxaan illaahey uga mahad celinyaa inuu nasiiyeye culimo aad utaqaana diinteena islamka sida sheikhunaa faadil mohamed abdi umal iyo kuwo kale oo lamid ah.sheikh umal waad cadeysay xaqii hadii uu kuwaano qaadanaayo ama illaah uu hanuun ladoonay.waxaba kudheeraan maayo ee waxan leeyahay xassan mohamud takar ILLAAH uga toobad keen hadala aad kasoo guuriso sheydaankaaga.

  3. asalaamu calaykum…..allaha naga qabto inamadaan fududaaday ee culumada laga kari la’yahay ogaada oo cayda culimada iyo ku jeesjeeskoodu waxaa macquul ah intaanba aakhiro lagaarin in adduunka ay cuquubo kasoo gaadho qofka…waayo luxuumul culamaa’i masmuumah..micnaheeduna waa hilibka wadaadaddu waa sumaysan yahay, oo loola jeedo qofkii xanta oo hilibkiisa xan ku cuna inuu ka dhigan yahay sidii qof sun cabbay oo kale..allow na astur culimadana noo xifdi wassalaamu calaykum.

  4. Somalida waxeey fiicnaayeen waagii eey jaahiliinta a haayeen eey diinta wax badan ka aqoon waagii eey hooyo somaliyeed oo joogto meel somalia ka mid ah eey ku xiran jirtay salaada ilaahii saceeyga madoow caanihiisa cadeeyay ALLHU AKBAR iyo waagi suufiyada quraafaadka u akhrin jireen dadka. Waagaas waxaa jiray dad somali ah oo wanaagsan oo ilaahay jecel laakin aan aqoon badan laheeyn dad isxaqdhoora dad iimaanleh dad isjecel dad ixtiraama culimada markaa joogtay noocuu doona ha ahaado mabhabta uudoono ha heeysto haduu shiikh yahay lama oranjirin yuu ka sii yahay waxaa jiray waagaas dad xishooda dad aaminsan alle caradiisa aaminsan in maalin yoomal qiyaame jirto in xisaab danbeen doono. hada waxaa moodaa in waqtigaas dadka somaliyeed eey aad uga cilmi iyo aqoon badan yihiin laakiin dadka hada jooga waxa eey yihiin dad aan qiyaame ogeen in uu jiro in xisaab danbeendoonto dad beenbadan umad wada xaasid ah umad isnacday shiikh iyo shariif umad aan imaan laheeyn umad bahaloowday umad ku kaftanta murtad ayaa tahay umad iswada gaaleeysay anigu waan yaabay bal adigu ma yaabtay!

  5. asalaama caleykum bacda salaam waxaan rabaa qofkaan la baxay in aan kalimad ku iraahdo caabid baa soo qadatay waxaa fiicnaanlahay in aad fahantid magaca aad wadatid sheekh bashiir salaad aniga aqoon badan uma lihi aan ka aheyn in aan ku maqlay in uu yahay gudoomiyaha isutaga culimada ma maqlin mana arkin isagoo la fadhiya uganda ama burindi adna ma soo heleysid waxaan ku dhihilahaa illah ka baq oo culimada iskadaa hadaa tahay qofdiin wax ka yaqaan aayado iyo axaadiis baa ku soo arooray in in lagu hadlo waxaadan ogeyn ama xaqiiqadeeda heyn.

  6. Sheekh umal wuxuu yidhi ninkii gaal raacaa waa gaal, Bashiir salaad waaka raacay amisom ee waa maxay xukunkiisu.

  7. asc wr wb .. xafidahullah sheekh maxamed cabdi umal wuu kumahadsanyahay waqtigiisa qaaliga ahee uu uhuray baraarujinta umada..waana ku kalsoonahay sida uu nooga jahli tiray arimahan soo kordhay .

Leave a comment

*