Afhayeenka xog’hayaha QM oo beeniyey in saraakiil ka tirsan QM lagu dilay Muqdisho

February 14, 2014 - Written by Editor

nesirkyMuqdisho:-Afhayeenka xog’hayaha guud ee Q M Martin Nesirky ayaa shir jaraa,id ku qabtay magaalada New Yorka ayaa cambaareeyey qaraxii shalay lagu weeraray saraakiil ka tirsan QM kuwaas oo ku sii jeeday garoonka diyaaradaha ee Aden Caddde waxaana uu beeniyey in saraakiil ka tirsan QM lagu dilay qaraxaas.

Afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere ayaa shalay sheegay in saraakiil cadaan ah oo ka tirsan QM ay ku dilee qaraxii ka dhacay afaafka hore ee garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdiisho saraakiil cadaan ah oo ka tirsan QM iyo askar ka tirsan DFS .

Afhayeenka xog’hayaha guud ee QM Martin Nesirky ayaa sheegay in xog’hayaha guud QM Ban ki Moon uu cambaareynayo qaraxii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho wuxuuna sheegay in QM ay DFS ka caawin doonto sidii looga hortagi lahaa qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho oo ay soo maleegaan Ururka Al-Shabaab.

Qaraxii shalay ka dhacay Afaafka hore ee magaalada Muqdisho waxaa kale oo cambaareeyey Midowga Afrika iyo Midowga Yurub .

Afhayeenka Al-Shabaab ayaa sheegay in weerarada iyo qaraxyada ay ku wadi doonaan ciidamada AMISOM iyo Hay,adaha QM wuxuuna sheegay in ay ajandahooda aysan ka fulin doonin Soomaaliya.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
2425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online