Ahmiyada Salaada Sheekh Bashiir Axmed Salaad iyo Sh Maxamed Shurki [Dhageyso]
February 16, 2014 - Written by EditorLaascaanood:Waxaa ka dhacay Masjidka weyn ee Jaamica ee magaalada Laascaanood muxaadaro ay jeediyeen Sh Bashiir Axmed Salaad iyo Sh Maxamed Shukri Jibriil Xassan waxaan ay labada Sheekh ay ka hadleen Ahmiyada Salaad ay leedahay iyo sidda loogu baahan yahay in lagu dadaalo Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ayaa waxaa dhawaan soo gaaray wufuud culimo ah oo ka kala timid goboladda dalka waxaan ay jeediyeen Muxaadaraad dhowr ah oo ay kaga hadleen arrimaha kala ah:-
1- Qabyaalada iyo dhibaatooyinka ay ku hayso bulshada Soomaaliyeed.
2-Tahriibka.
3-Qaadka iyo dhibaatooyinkiisa
Culimada ayaa la qaatay kulamo qaybaha kala duwan ee bulshada sidda ducaada, Ardaydda macalimiinta, Ganacsatada,odayaasha iwm ,culimo’udiinka iyo ducaadda ayaa kulamo ay ku yeesheen magaalada Laascaanood waxaa ay uga hadleen qaabka lagu horumarin karo xala qaadka cilmiga ah ee Soomaaliya iyo siddii loo tayeyn lahaa.
Hoos ka Dhagayso muxaadaradii Salaada oo ay jeediyeen Sh Bashiir Axmed Salaad iyo Sh Maxamed Shukri
Musasada Al-Karam
Laascaanood