Al-shabaab maxay u beegsadeen Maxamed Faarax Dheere

February 27, 2014 - Written by Editor

shaxmeddheeliSudan:-Maxamed ma ahayn qaybaha bulshada oo ay qolyahaani beegsan jireen sida culumada waaweyn, ganacsatada, nabadoonada, madaxda iyo askaraha maamulka,  qaybaha danbi barista iyo maxkamadaha, aqoonyahanada digriiga waxbarasho wata  iyo shaqaalaha hay,addaha midnaba. Wuxuu ahaa nin dhaliyaro ah oo Ehlu salaad ah oo shantiisa waqti ku dadaala jamaacada masjidka nolol maalmeedkiisana ku mashquulsan oo bulshadiisa ka mid ah, aadna u ceeb yar , balwad ma leh wuxuuna ahaa saan ku aqaanay dadka khayrka jecel oo ku dadaala dhagaysiga casharada iyo muxaadarooyinka ka baxa masaajida wuxuu lahaa Garwayn oo haybad leh oo sunada waafaqsan.

Wuxuu ka shaqayn jiray xawaaladii Qaran Exprise asagoo u ahaa waardiye albaabka hore fadhiya , burcadii xawaalada weerartay xili dhexe oo dadkana ku laysay xoolahana ku dhacday ayaa dhaawacday Allaahse waa ka kiciyey, ka gadaal waxaa igu maqaala ah inuu gaar u shaqaysan jiray oo si gooniya oo uga shaqaysan jiray sarifka lacagaha si uu biilka reerka uga helo.

Fiidnimadii  Arbacadu soo galaysay ee ku beegnayd 25/2/2014 ayaa asagoo fadhiya meel makhaayad ah ayaa wiil lasoo kor istaagay bastoolad oo rasaas ooda uga qaaday wuxuuna qabaa dhaawac aan aad halis u ahayn sida la sheegay Allaah subxaanu wataacaalaa waxaan u waydiinayaa inuu u booga dhayo oo uu siiyo caafimaad degdeg ah asaga iyo inta kale oo meesha ku dhaawacantay.

Sida ay noo faaiideeyeen dadkii goobta ka ag dhawaa ninka qaatilka ah markuu xabada bilaabay ayuu kufay kadibna dadkii meesha fadhiyey oo dhan baa isku yaacay ka dibna kii asaga waardiyaha u ahaa ayaa dadka oo dhan xabada ku furay intuu xabada ridayey kaasi ayaa asna iska cabin lagu sameeyey oo la dhaawacay .

Waxaa ayana mudan in la sheego inay horay u dileen Aadan Faarax dheere oo ahaa walaalkiis ahaana ganacsade caan ah oo magaalada Gaalkacyood aad looga yaqaanay naxariistii jano Allaah ha siiyee.

Haddaba maxay tahay duruusta aan ka qaadanayno dhacdadaan:-

1) Al-shabaab haday awal layn jireen nin doorka umadda hadda waxay usoo jeesteen dadwaynaha caadiga ah shacabka oo dhamina toogasho ayuu ugu xukuman yahay.

2) Ahdaafta waxaa ka mid noqon kara in la abuuro jawi amni daro iyo argagax oo laga yaabo in cida la dilayaa aysan muhiimba ahayn ee la rabo maalintaas iclaanka iyo idaacaduhu inay falan qeeyaan dhacdada dadkuna ku noolaadaan argagax joogta ah ama wadankaba ka haajiraan.

3) Si kasta oo loo qorsheeyo in qof la dilo haddaan ajashii imaan lama dili karo waad aragtaa qoladii soo qorshaysay dilka Maxamed ayagiibaa qaar la qabtay waliba la tagay xaruntoodii oo laga helay dukumintiyo wax ku oola sida la sheegay.

4) Bini aadamka si kasta oo uu awood isku bido dadkana uga adkaado marbay ku soo jeesanayaan oo asna abaalkiisa la marinayaan, daalimkana marbaa la qaban si kasta oo uu libin ugu geeraaro.

5) Yay kasoo qaateen mashruuca ah in laxasuuqo shacabka soomaaliyeed ama la qixiyo ama la argagixiyo , xaqiiqatan cida ay kasoo qaateen waa cadawga umada muslimka ah ee soomaaliyeed.

6) Shacabku haday dhiiradaan sida dhacdadaan oo kale waa iska qaban karaan wiilashaas lasoo khalday oo caadada ka dhigtay intay dadka xasuuqaan inaan nina dabagalin.

W/Q Sh. Ahmed Dheeli

Leave a comment

*

Archives
February 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
2425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online