Baarlamaanka Puntland oo maanta ansixiyey Golaha wasiirada cusub(Masawiro)
February 4, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Xildhibaannada Baarlammaanka Puntland ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyey golaha wasiirrada cusub ee Puntland kuwaas oo uu soo magacaabay Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.Xarunta Golaha Wakiilada ee Puntland ayaa waxaa soo xaadiray ilaa 56 Xildhibaan waxaana halkaas khudbado kala duwan ka jeediyey Madaxweynaha Puntland iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Siciid Xasan Shire iyaga oo xildhibaada ka codsaday in xukuumada Cusub ee Puntland ay codkooda kalsoonida siiyaan.
Xildhibaanada Golaha Baarlamaanka Puntland ayaa ka dib codkooda kalsoonida siiyey Wasiirada Cusub ee Dowlada Puntland kuwaas oo ka kooban 47 xubnood waxaana ay heleen kalsoonida 55 xildhibaan. Madaxweynaha Puntland ayaa khudbad ka jeediyey golaha Baarlamaanka Puntland waxaana uu ka hadlay waxqabadka xukuumadiisa wuxuuna sheegay in uu xooga saari doono sugidda amniga, tayeynta adeegyada bulshada, kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo soo celinta deegaanada ka maqan Puntland.
no images were found
Guddoomiyaha baarlammaanka Puntland Siciid Xassan Shire, ayaa uga mahadceliyey dhamaan xildhibaannada, codka kalsoonida siiyey wasiirada cusub ee Puntland .Sidoo kale waxaa ansaxinta golaha wasiirada cusub ee Puntland goobjoog ka ahaa qaar ka mid ah Isimada Puntland.
M_M Deeq
Halgan.net