Baarlamaanka Puntland oo maanta ansixiyey Golaha wasiirada cusub(Masawiro)

February 4, 2014 - Written by Editor

12Garoowe:-Xildhibaannada Baarlammaanka Puntland ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyey golaha wasiirrada  cusub ee Puntland kuwaas oo uu soo magacaabay Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.Xarunta Golaha Wakiilada ee Puntland ayaa waxaa soo xaadiray ilaa 56 Xildhibaan waxaana halkaas khudbado kala duwan ka jeediyey Madaxweynaha Puntland iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Siciid Xasan Shire iyaga oo xildhibaada ka codsaday in xukuumada Cusub ee Puntland ay codkooda kalsoonida siiyaan.

Xildhibaanada Golaha Baarlamaanka Puntland ayaa ka dib codkooda kalsoonida siiyey Wasiirada Cusub ee Dowlada Puntland kuwaas oo ka kooban 47 xubnood waxaana ay heleen kalsoonida 55 xildhibaan. Madaxweynaha Puntland ayaa khudbad ka jeediyey golaha Baarlamaanka Puntland waxaana uu ka hadlay waxqabadka xukuumadiisa wuxuuna sheegay in uu xooga saari doono sugidda amniga, tayeynta adeegyada bulshada, kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo soo celinta deegaanada ka maqan Puntland.

no images were found

Guddoomiyaha baarlammaanka Puntland Siciid Xassan Shire, ayaa uga mahadceliyey dhamaan xildhibaannada, codka kalsoonida siiyey wasiirada cusub ee Puntland .Sidoo kale waxaa ansaxinta golaha wasiirada cusub ee Puntland goobjoog ka ahaa qaar ka mid ah Isimada Puntland.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
2425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online