Dowladda Turkiga oo joojisay dhaqaalihii ay siin jirtay dowladda Soomaaliya

February 14, 2014 - Written by Editor

turkiDowlada Turkiga ayaa gabi ahaanba joojisay deeq lacageed oo gaaraysa $ 4.5 milyan oo doolarka Maraykanka ah oo ay siin jireen dowladda Federaalka ee Soomaaliya  si ay uga caawisyo Soomaaliya arrimaha bini’aadinmada, kaabayaasha dhaqaalaha iyo dib u dhiska dalka Soomaaliya.

War lagu soo daabacay  Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa lagu sheegay i dowladda Turkiga ay joojisay dhaqaalhii ay siin jirtay Dowladda Federaalka Soomaaliya dhamaadkii sanadkii 2013. Wakaaladda wararka ee Reuters  oo wax ka wiidiisay lacagta ay dowladda Turkiga ka joojisay dowladda Federaalka Soomaaliya Wasiirka Arimaha Dibada ee Turkiga ayaa waxaa uu qiray in ay jirto in deeq dhaqaale oo bil walba la siin jiray dowladda Federaalka soomaaliya la joojiyey.

Ilaa hadda si rasmi ah looma oga inta ay dhan tahay lacagta deeqda ah ee ay Turkigu siisay sanadkii 2013 dowladda Federaalka Soomaaliya oo miisaaniyadda lacageed lagu qiyaasay $110 million. Gudoomiyihii hore ee Bangiga dhexe ee Somalia ee dhawaan is casilay ayaa waxaa uu u sheegay Wakaaladda wararka ee Reuters  in  todobadii bilood uu xilka hayey ay lacagtaas soo geli jirtay  Bangiga dhexe ee Soomaaliya bilkasta $4.5 million.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qirtay in deeq lacageed oo ay bil walba uga imaan jirtay dowladda Turkiga ay joogsatay balse ay rajaynayaan in ay dib u bilaabato. Dhinac kale masuul ka tirsan dowlada Turkiga ayaa sheegay in dowladiisu  aysan hadda qorshaha ugu jirin in ay dib u bilowda lacagtaas  balse waxaa uu meesha ka saaray in  mashaariicda Hay’adda TIKA ka wado Soomaaliya aysan wax saamayn ah ku lahayn lacagta laga joojiyey dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Turkiga oo xiriir fiican la lahayd Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sh.Maxamuud ayaa sanadkii 2011 waxaa ay ka bilawday Koonfurta dalka Soomaaliya in ay ka caawinaad dhinac bini’aadinimada ayna gargaar u fidiyaan dadkii wax ku noqday qaraxyadii ka dhacay Muqdisho iyo in ay dib u habayan ku sameeyaan rugahii caafimaadka ee ku burburay dagaaladii sokeeyey ee ka dhacay Muqdisho.

Dowladda Turkiga ayaa waxaa ay ahayd dowladda kaliya ee mashaariic horumarineed iyo mid waxbarasho ugu deeq day dowladda Federaalka Soomaaliya iyagoo ku bixiyey lacago aad u fara badan. Deeqda lacageed oo ay dowladda Turkigu joojisay ayaa waxaa ay dhaawac dhinac siyaasadeed ay ku tahay madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya
oo ku guulaysan waayey in ay kalsooni ku abuuraan dowladda Turkiga si mashaariicdu ay uga faa’iidaystaan dadka Soomaaliyeed. Halkaan ka akhriso qoraalka ay Wakaaladda wararka ee Reuters ay arrinkaan ka qortay

A/cawaale
Source Reuters
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
February 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
2425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online