Gaari ku qarxay afaafka hore ee Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho

February 13, 2014 - Written by Editor

qaraxMuqdisho:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax uu ka dhacay afaafka hore ee Garoonka diyaaradaha ee Aden Cadde waxaana qaraxa uu geystay khasaaro leh dhimasho iyo dhaawac Warar hordhac ah ayaa sheegay in haweenay ay ku dhimatay qarax halka dhowr qof oo kale ay ku dhaawacmeen.

Gaari la soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa waxaa lagu weeraray 4 gaari oo ay la socdeen saraakiil ka tirsan QM , kuwaas oo ku sii jeeday garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho mid ka mid ah gawaaridii ay wateen ayaa waxaa gaaray burbur xoogan.

Wararka kale ayaa sheegaya in qaraxan uu ka dhashay gaari la dhigay nawaaxiga Baar Sultaan .Lama oga ilaa haatan khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay qaraxaasi..Gaadiidka Ambulance ayaa haatan wili guraya dadweynihii ku dhaawacmay qaraxa waxaana goobta xiray oo soo gaaray ciidamo ka tirsan DFS iyo kuwa AMISOM.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegay weerarka lagu qaaday saraakiil ka tirsan QM oo ku sii socday garoonka diyaaradaha ee Aden Cadde waxayan sheegtay in khasaare lixaad lihi ay gaarsiiyeen waxayna sheegeen in ay dileen 13 qof oo saddex ka mid ah ay yihiin  saraakiil caddaan ah iyo tobaneeyo askari oo ilaalo u ahayd.

Dhanka kale Guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga u qaabilsan gobolka Banaadir, Warsame Maxamed Xasan Joodax ayaa sheegay in qaraxa ay ku dhinteen 6 qof oo rayid ayna ku dhaawacmeen 15 kale.

Warka oo faahfaahsan dib baan idiinka soo gudbin doonaa hadii alle yiraahdo.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
2425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online