Gacan ku dhiiglihii dilay Taliyihii Saldhiga Goldogob oo la soo qabtay

February 24, 2014 - Written by Editor

GaldogobGoldogob:-Wararka saaka naga soo gaaraya Degmada Goldogob ee gobalka Mudug ayaa sheegaya in ciidamada amaanka ay saaka gacanta ku soo dhigeen gacan ku dhiiglihii  dilay Taliyihii Saldhiga Goldogob Muumin Maxamed Muumin. Gudoomiyaha degmada Goldogob Siciid Ismaaciil Kaytoon ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in gacanta lagu soo dhigay askarigii dilay Taliyihii Saldhiga Goldogob Muumin Maxamed Muumin waxaana haatan ku socoda baaritaan.

Dhanka kale Taliyaha Qaybta booliska Gobolka Mudug C/laahi Shire Dool oo haatan ku sugan degmada Goldogob  ayaa waxaa uu sheegey in lasoo qabtay askarigii dilay taliyaha saldhiga Degmada Goldogob wuxuuna sheegay in ay hayaan xogta ah in uu jirey muran u dhexeeyey taliyaha iyo askariga dilay kaas oo salka ku hayay dhanka Mushaarka.

Taliyaha Qaybta booliska Gobolka Mudug C/laahi Shire Dool ayaa sheegay in ay wili socdaan baaritaano iyo kulamo u socda odayaasha dhaqanka ee Degmada Goldogob.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
2425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online