Iska horimaad ka dhacay saaka duleedka Buuraleyda Galgala ee Gobolka Bari

February 3, 2014 - Written by Editor

galgala1 (2)Garoowe:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegay in iska horimaad hubaysan uu ka dhacay degaanka Sugure ee Buuraleyda Golis, dagaalka ayaa qarxay ka dib marki ciidamo ka tirsan kuwa daraawiishta Puntland ay isku dhaceen ciidamo ka tirsan Al-shabaab ka dib markii ay hoobiyaal ku soo rideen fariisamo ay ku sugnaayeen ciidanka Puntland.

Taliyaha ciidanka daraawiishta Puntland ee ku sugan Buuraleyda Golis Col.Jaamac Siciid Warsame (Afguduud) oo waraysi gaar ah siiyey Idaacadda VOA ayaa sheegay in ciidan ka tirsan Al-shabaab ay ciidanka daraawiishta ay is waydaarsadeen Hoobiyaal iyo hubka fudud ka dibna dhinacooda ay ka dhaawacmeen labo askari halka ilaa labo askari oo ka tirsan ciidanka Al-shabaab ay dileen kuwo kalena ay  dhaawaceen.

Taliyaha ciidanka daraawiisha Puntland ee Buuraleyda Golis Col.Jaamac Siciid Warsame (Afguduud) ayaa xusay in dhankooda lagu soo qaaday weerarka ka dibna ay iska caabiyeen oo ay kala firxadeeen ciidanka Al-shabaab. Taliyaha ciidanka Daraawiisha Puntland ee Aaga Buuraleyda Golis Col.Jaamac Siciid Warsame (Afguduud) ayaa sheegay in ciidanka Al-shabaab aysan ahayn markii ugu horaysay oo weeraro ku soo qaadaan ciidamada difaac daraawiishta ee ku sugan Buuraleyda Golis.

Isbitaalka weyn ee magaaladda Boosaaso ayaa saaka waxaa la soo gaarsiiyey ilaa labo askari oo ka tirsan ciidanka daraawiishta ee Puntland ee ku dhaawacmay dagaalka ka dhacay saaka Buuraleyda Golis.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
2425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online