Khudbadii Jimcaha Ee Masjidka Ibraahim Khaliil Ee magaalada Boorame (Daawo)
February 9, 2014 - Written by EditorBoorame:-Waxaan idiin soo gudbineynaa Khudbadii Jimacaha Ee Masjidka Ibraahim Khaliil ee magaalada Boorame waxaana khudbada jeediyey Sheekh Xasan Khayr Dirir
Cinwaanka Khudbada ayaa waxay ku saabsaneynd نظافة البيئة فى الاسلام islaamka iyo nadaafada deegaanka isgoo aad ugu booriyay dadkii dhagaysanaayay khudbada in ay guryahooda hortooda nadiifiyaan si bulshada ay dhibaato u gaarin
Sheekh Xasan Khayre Dirir ayaa ku guubaabiyey reer Boorame in ay ilaaliyaan danta guud iyo nadaafadooda isagoo tilmaamaya sida Masaajidada wadooyinka iyo meelaha ay bulshada isigu timaado.
Sheekh Xasan Khayre Dirir ayaa timaamay in baryahan danbe ay ku soo badanyeen suuqa in inta biyaha caagdada laga cabo lagu soo kaadiyo amama bac lagu soo saxaroodo ka dibna dariiqyada lagu soo tuuro ficiladaana ay u badan yihiin dadka qaadka cuna.
Sheekh Xasan Khayre Dirir ayaa sidoo kalena dadka maqaaxiyaha leh ay ku soo daadiyaan bulaacadaha dariiqa oo ur iyo muuqaal ahaana dadka ku dhibaan guud ahaan ayuu sheekhu ula dardaarmay in dadka ficiladaa samaynayana ay alle ka cabsoodaan oo aysan umada dhibin.
Hoos ka Daawo Khudbadii Jimcaha ee Sheekh Xasan Khayre Dirir uu ka jeediyey Masjidka Ibraahim Khaliil Ee Boorame
Ururka Badbaadada dhalinyarada