Nadwo iyo kulan cilmyeed lagu tayeynayo barashada diinta oo lagu gabagabeeyey Laascaanood.[Masawiro]

February 16, 2014 - Written by Editor

IMG_2644[1]Laascaanood:-Waxaa ku qabsoomay Magaalada Laascaanood intii udhexaysey: 13-16, Bisha Rabiicul Aakhir ee sanadka 1435 kulan Cilmiyeed ay soo qaban qaabisay Mu’asasada Al-karam ee Dacwada iyo Horumarinta oo looga arrinsanayey kor u qaadista iyo tayaynta Xalaaqaadka lagu barto Culuumta Shareecada iyo Luqada Carabiga, waxaana kasoo qaybgalay, Culamo Waaweyn,  Macalimiin wax ka dhiga Jaamacaddaha iyo  Macaahidda Sharciga ah, Khubaro Ku Xeeldheer Cilmiga Tarbiyada, Mu’asasaddaha  Dacwada ee Dalka.

Waxaa kale oo talooyin wax ku ool ah ka gaystay kulan cilmiyeedkan culumo waaweyn oo aysan u suurtoobin inay kasoo qaybgalaan kulanka oo ay ka mid yihiin Sh. C/laahi Sh. Nuur, Sh. Mustafe X. Ismaaciil, Sh. Maxamed Cumar Dirir, Sh. Maxamuud Maxamed Shible, Sh. Maxamed Cali Jaamac, Sh. Maxamed X. Yuusuf iyo Sh. Ismaaciil C/laahi.

Kulankan oo lagu qiimeeyey hababka culumada Soomaaliyeed u dhigaan culuumta shareecada iyo luqada carabiga, loogana hadlayey Siyaabaha kor loogu qaadi karo Barashada Culuumta Shareecada iyo Tayeynteeda waxaa lagu soo Bandhigay cilmibaaris iyo Diraasado ku saabsan siyaabaha culuumta shareecada looga barto dunida muslimka gaar ahaan dalalka Yeman, Mooritaaniya, India iyo Pakistan.  Waxaa kale oo lasoo bandhigay habab cusub oo caalamka islaamka laga isticmaalo.

Gabagabadii kulan cilmiyeedkan waxaa la soo saaray warmurtiyeed ka koobaban 8 qobad oo kala ah:

1. In laga hirgeliyo magaalooyinka waaweyn xarumo lagu soo saaro culumo, ayna wax ka akhriyaan Culumo waaweyn.

2. Waxaa xarumaha cilmiga loo diyaariyey Manhaj cilmi ah oo gaaraya ilaa 100 kitaab, looguna talagalay in lagu dhameeyo muddo afar sannadood ah, kaas oo leh Jaran-jaro loo raaco barashada Funuunta Shareecadaiyo luqada carabiga, Manhajkan wuxuu u diyaarsanyahay in laga hirgeliyo dhammaan Caalamka Islaamka.

3. In xarumaha cilmiga loo diyaariyo Maktabado waaweyn iyo agabka kale ee waxbarashada lagama maarmanka u ah.

4. In la qabto kulan Cilmiyeedyo iyo Dowrooyin sare loogu qaadayo xirfadaha waxbariseed ee Culumada wax ka dhigta xarumaha cilmiga.

5. In shaadooyin lasiiyo ardayda kasoo qalinjabisa xarumaha cilmiga.

6. In manhajkan la gaarsiiyo dhammaan Xarumaha cilmiga ah ee dalka iyo dibadaba.

7. Waxaan ugu baaqaynaa bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan ganacsatada, Hay’adaha samafalka ee islaamiga ah iyo dowladaha islaamkaba in ay si buuxda u garab-istaagaan xarumaha cilmiga ah, culumada wax ka dhigta iyo ardayda wax ka barataba.

8. In la magacaabo Guddi culumo ah oo ka shaqeeya hirgalinta manhajkan iyo horumarintiisa.

Dhinac kale Waxaa magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ku soo gabagaboobey howlo dacwadeed oo ay culimo’udiinku ka wadeen magaalada Laascaanood oo u badnaa muxaadarooyin iyo towjiihaad ay culimadu ka jeedinayeen Masaajidda iyo goobaha waxbarshada iyadoo xalay  ay culimadu ka jawaabeen su’aalo  fara badan ka dib kulan lagu qabtay masjid jaamaca magaalada Laascaanood.

no images were found

Culimo’udiinka oo ka kala yimid goboladda dalka soomaaliya ayaa waxaa ay kulamo wacyi gelin ah la yeesheen Ardayda iyo Macalimiinta si sare loogu qaado aqoonta dhinac diinta si loo tayeeyo goobaha waxbarashad oo ay ugu horeeyaan Macaahi’da lagu barto diinta.

Dadweynaha ku dhaqan magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ayaa aad u soo dhaweeyey safarka dacwadeed ee ay culimadu ku yimaadeen magaalada iyadoo kulamadii culimada iyo muxaadaradaadkii ay ka wadeen magaalada si farxad leh oo wanaagsan ay u soo gabagabawday.

Wabillaahi Altowfiiq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
2425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online