Madaxweynaha Puntland oo kulan dhaqaale aruurin ah la yeeshay Culimadda iyo Ganacsatada

February 22, 2014 - Written by Editor

IMG_0517-Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta xarunta Madaxtooyadda kulan dhaqaale aruurin ah kula yeeshay qaar ka mida Culimadda iyo Ganacsatada.

Buundada Sunijiif oo shaqadu ka socoto, dhowaana guddi uu madaxweynuhu u saaray ayaa kulankan looga arinsanayay sidii Culimadda iyo ganacsatadu gacan wada jir uga gaysan lahaayeen dhismaheeda.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdulaahi Cumar ayaa isna joogay oo ay wehelinayeen wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Cilmi Cismaan iyo wasiirka Gaadiidka iyo Hawlaha guud Cabdirashiid Maxamed Xirsi.

Culimadda Puntland ayaa balanqaaday inay u istaagi doonan sidii dhaqaale ugu aruurin lahaayeen buunadada oo ay ku tilmaameen Ficil Khayr oo Alle loogu dhowaanayo madaama uu soo hoos galayo danta iyo maslaxada guud ee umadda.

Dhankooda ayaa Ganacsatadu ka balanqaadeen madaxda Puntland inay ka qayb qaadaan doonaan dhismaha buundadan biyuhu gooyeen dhamadkii sanadkii tagay, iyagoo sidoo kalena raacshay inay diyaar u yihiin taageero ay dowladda la garab taaganyihiin.

no images were found

Madaxweynaha Puntland oo soo xiray kulankan ayaa uga mahadceshay Culimadda iyo Ganacsatada sida ay ugu heelanyihiin horumarka dalkooda, isagoo ku daray baahida loo qabo in la mideeyo markasta dadaalada si loo gaaro horumarka la tiigsanayo.

Xafiiska Warfaafinta
Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
February 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
2425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online