Kulan dhex maray Ra’iisal wasaare DFS iyo masuuliyiinta Laamaha Amniga Muqdisho.[Masawiro]

February 4, 2014 - Written by Editor

1Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiwali Sh.Axmed Maxamed ayaa maanta la kulmay hay’addaha ku shaqada leh amniga, sida Wasiirka Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed, iyo ku- xigeenadiisa, Taliyaha ciidanka Boliska Gen. Saacid, guddoomiyaha gobolka Mudane Tarzan iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka dhamaan degmooyinka gobolka, Taliyayaasha saldhigyada iyo kuwa nabadsugida.

Kulankan oo ka dhacay xarunta gobolka Banaadir ayaa waxaa diirada lagu saaray falalkii amni darrida ahaa ee ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho labadii habeen ee la soo dhaafay iyo sidii dabagal dhameystiran loogu sameyn lahaa cida ka dambeysa.

Wasiirka Amniga Qaranka oo ugu horeyntii goobta ka hadlay ayaa xusay in xalay illaa maanta ay aad ugu mashquulsanaayeen howlwadeenada ammaanku sidii jawaab cad looga keeni lahaa fowdada dhacday labadii habeen ee la soo dhaafay iyo cida iska leh mas’uuliyada dabacsanaanta amniga ee dhacday, maadaama goobaha ay ka dhaceen ay ku yaalaan saldhigyo iyo xarumo Boliis kuwaasoo loo xil saaray sugida amniga.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdiwali Sheekh Axmed oo isna hadlay ayaa ka dalbaday hay’addaha ku shaqada leh amnigu inay jawaab ka keenaan falalkan amni darrida ah ee dhacay, kuwaasoo khal khal geliyay deganaanshiyaha shacabka, wuxuuna xusay in kooxaha nabad diidku ay ka faa’iideysanayaan habacsanaan amni oo jirta, loona baahan in la adkeeyo nabadda har iyo habeena feejignaan dheeri ah la muujiyo.

“Waan ka xumahay khal khalka iyo cabsida la geliyay shacabka labadii habeen ee la soo dhaafay, kooxaha caddowgu waxay ka faa’iideysanayaan dal daloolada amniga ee jira, waana in gacan bir ah looga hortagaa, oo ay cabsadaan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo ka dalbaday Wasiirka Amniga iyo taliyeyaasha amnigu inay talaabo ka qaadaan cid kasta oo dayacda waajibkeeda ka saaran sugida amniga ee loo idmaday, si aaney mar kale u soo noqon falalkan oo kale.

no images were found


Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa kulan saacado qaatay xafiiskiisa kula yeeshay ka hor inta aanu ka qeybgalin kulankan Wasiirka Amniga Qaranka, taliyaha ciidanka Booliska iyo saraakiil kale, isaga oo kala hadlay sidii loo sugi lahaa amniga caasimadda loona dardargelin lahaa wada shaqeyn hay’addaha amniga dhexdooda ah. 

–Garad Salad Hersi

Senior Press officer, PM office

Mob.+262-61-5536608

Mogadishu, Somalia

 

Leave a comment

*

Archives
February 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
2425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online