Kulan lagu soo bandhigayo barnaamijka horumarinta xalaqaatka cilmiga oo lagu qabtay masjidka Al-hudaa ee Garoowe

February 18, 2014 - Written by Editor

DSC03989Garoowe:-Xalay ayaa masjidka weyn ee Al-hudaa lagu soo bandhigay barnaamij lagu hormarinayo barashada culuumta shareecada iyo luqada carabiga gaar ahaan xalaqaatka cilmiga (habkii xer cilmiga ee soo jireenka ahaa). Ugu horayn waxaa barnaamijka ka hadlay Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Sheekh. Bashiir Axmed Salaad oo ka hadlay qiimaha cilimigu leeyahay iyo siyaabihii muslimiintu u baahin jireen gaar ahaan madaxda iyo maalqabeenka oo dhisi jirey madaaris diinta lagu barto, una samayn jirey awqaaf lagu maalgaliyo mashaariicda cilmi faafinta.

Waxaa kale oo kulanka ka hadlay Sheekh. Axmed C/samad oo faahfaahin ka baxshay marxaladihii uu soo maray kulan-cilmiyeedkii horumarinta xalaqaatka cilmiga ee dhawaan lagu qabtay magaalada Laascaanood, culimadii kasoo qaybgashay, diraasadihii lagu soo bandhigay, manhajkii waxbarasho ee culimadu u dajiyeen xalaqaatka cilmiga, waxyaabihii manhajkaas lagu duldhisay iyo dardaarankii culumadu u jeediyeen bulshada Soomaaliyeed.

Wuxuu sheegay in manhajkaan yahay labo qaybood: qayb loogu talogalay dadweynaha iyo qayb loo diyaarshay xer-cilmiga culimanimada loo diyaarinayo.

Manhajka lagu soo saarayo culimadu wuxuu ka koobanyahay afar marxaladood oo qofkii u gacan banana uu ku dhamaynayo afar sannadood, waana manhaj dhamaystiran oo leh qaybihii culuumta shareecada iyo luqada carabiga. Waxaa kale oo weheliya xirfado xagga dacwada, tarbiyada, wacyiga iyo  cilmibaarista. Waxaa kale oo xoog la saarayaa adeegsiga luqada carabiga iyo xifdiga culuumta.

Culimadu waxay ugu baaqeen bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan maalqabeenka iyo madaxda inay taageeraan barnaamijkaan. Intaa ka dib waxaa hadalka qaatay Sh.Maxamuud Xaaji Yuusuf oo ku dhawaaqay inay barnaamijkaan iyaga oo isku duuban ka hirgalinayaan gobolka Nugaal, uuna rajaynayo in dadku isku bato oo aakhirka xer-cilmiga loo qaybsado sidii beeluhu wax u qaybsan jireen.

Waxaa kale oo isna barnaamijka ka hadlay Xaaji Yuusuf  Jaamac Dagal (Cambacambe) oo ka mid ah ganacsatada iyo waxgaradka gobolka, wuxuuna ku dhawaaqay inay si buuxda u hirgalin doonaan barnaamijkaan o aysan xoolo u waayi doonin.

Gabagabadii nadwadaan oo uu xiriirinayey Sh. Mukhtaar Axmed Faarax waxaa soo gunaanaday madaxa xafiiska gobolada ee mu’assasada Alminhaaj ee dacwada iyo horumarinta Sh. Cismaan Maxamuud Xaaji Dirir oo isna ballanqaaday inay barnaamijkaan ka hirgalin doonaan deegaanada mu’assasadu ka shaqayso iyaga oo kaashanaya culimada, maalqabeenka iyo dadweynaha.

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
2425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online